Wiil Dhalinyaro Ah Oo Timaha Aan Xiirin Intii Xukuumadda Kulmiye Jirtay Sababaha Keenay Iyo Waxyaabaha Uu La Kulmay

0
60

Waxa Uu Ugu Baaqay In Madaxweyne Siilaanyo Doorashada Wakhtigeeda Ku Qabto

Hargeysa(Hubaal)-Maxamed Cali Cumar oo ka mid ah dhalinyarada Somaliland horena u shaaciyay inta xukuumadda madaxweyne Siilaanyo xilka hayso in aanu timaha iska xiiri doonin, ayaa madaxweynaha ugu baaqay inuu doorashada wakhtigeeda ku qabto.

Maxamed sida oo kale waxa uu ka hadlay wakhtigaas shanta sano ku dhaw ee uu timaha aanu xiirin sida ay bulshadu u arkayeen iyo waxyaabii ugu yaabka badanaa ee uu la kulmo. Waxaanu sidan ku sheegay waraysi uu siiyay wargeyska Waaheen.

maxamed cali cumarMaxamed Cali oo ugu horayntii wax aanu ka waydiinay in aanu wali timaha xiirin sidii uu balan qaaday waxa uu yidhi “Hore ayaan u balan qaaday in aanan shantaas sanadood ee xukuumadda Siilaanyo ay jirayso aanan timaha xiirayn, maantana waxa ii hadhan waa maalmo yar oo kooban, afartaas sano iyo waxa la jiraba wali timo maan iska xiirin.”

Ninkan dhalinayrada ah oo aanu waydiinay waxyaaha ugu yaabka badnaa ee uu la kulmay wakhtigaa uu timaha la baxaayay waxa uu yidhi “Labadii sano ee ugu horaysay wakhtigan aan timaha la baxaayay ee aan taageerayaasha Kulmiyena wali niyad jabin cay iyo waxyaabo kaleba waan kala kulmi jiray laakiin sadexdii sano ee u danbeeyay waa lay garaabay oo inbadan oo dadka ka mid ah waxay u aragtaa inaan ka indheer garadsanaa, qofku marka aanu I garanayan ee timo dhaadheer uu igu arkana waxa laga yaabaa inuu hadalo deelqaaf ah ay iiga yimaadaan, laakiin marka loo sheego dib ayay iixaalmariyaan.”

Sida oo kale Maxamed waxa uu ka hadlay sida uu ku balan qaaday balankan adag “Waad la socotay wakhtigii doorashadii Kulmiye caadifad badan ayaa socotay, hadii xisbigii Udub oo aan ahaa laguu arkaba in lagu caayo ayay ahayd, maalintii uu ku guulaystay doorashada Kulmiye dhalinyaro sagaal ahayd oo aan asxaab ahayn todobo ka mid ahna ay Kulmiye ahaayeen ayaan ku idhi idinku afkuunbaad ka taageerteene anigu shantaas sano ee Kulmiye xilka hayo timo jarimaayo.”

maxamed-cumar-caliUgu danbayntii Maxamed oo aanu waydiinay sida uu u arko mudo kordhin haday timaado waxa uu yidhi “Waxaan taageersanahay in heshiiska xisbiyada mucaaradka ah ay ka gaadheen in doorashada maalinteed lagu qabto, madaxweynuuna hore ayuu u balan qaaday isaga oo mucaarad ah iyo isaga oo  xilka hayaba inaan maalin loogu darayn, waxaan markaas jeclaan lahaa inuu wakhtigeeda ku qabto, haduu magac doonayo madaxweynuu doorashada wakhtigeeda ha ku qabto hadii kalena magacla’aan ayuu noqonayaa.”

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here