Wiil Reer Hargeysa Ah Oo Ka War Bixiyay 211 Soomaali Ah Oo Afduub Loogu Haysto Saxaraha Liibiya Oo 21 Kamid Ahi Ay Garaacis U Dhinteen

0
46

Hargeysa(Hubaal) Wiil reer Hargeysa oo magaciisa ku sheegay Maxamed Aadan Cabdi Nuur ayaa ku baaqay in laga soo gaadho koox qafaalato ah oo liibiya ku haysata isaga iyo soomaali badan oo kale oo ku jira Xero ku taala goob saxaare ah oo ka tirsan dalka Liibiya kuwaasi oo u badan dhalinyaro Soomaaliyeed oo tiradoodu kor u dhaafayso 200 oo dhalinyaro ah oo rag iyo dumar iskugu jira,kuwaasi oo afduub loogu haysto magaalo yar oo liibiya ku taala oo Sabha la yidhaahdo,waxa uu ka war bixiyay nolol adag oo uu sheegay inay ku nool yihiin,waa la jidh dilaa,la faro xumeeyaa,waxaan uu sheegay inay ugu yaraan laba qof maalintii u dhintaa garaacis,waxay ka codsadeen bulshada muslim ah inay gar gaar la soo gaadhaan.

maxaabiisWaxa uu sheegay intii uu halkaasi ku xidhnaa inay garaacis u dhinteen tiro gaadhaysa 21-qof oo soomaali ah kuwaasi oo uu ku sheegay inay ka yimaadeen Hargeysa,Burco,Boosaaso,jigjiga iyo Jabuuti,wiilkan oo ilmaynayay markan uu la hadlayay Idaacada VOA,ayaa ugu baaqay Gadhaha Soomaaliyeed inaanay isku dayin inay soo tahriibaan,waxa uu sheegay in dumar habeen hore oo u danbaysay lagu hor faro xumeeynayay oo markii uu waxba ka qaban kari waayay indhaha ka qabsaday,waxaa uu sheegay inay maalintii hal litir oo biyaha cabaan labada boqol ee afduubka loo haystaa,.

Maxamed Aadan oo sheegay inuu tagay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in uu gaadhay Libya Bishii Ramadaan, wuxuuna tilmaamay in uu ku arkay goobta uu ku xidhan yahay Soomaali badan oo maalin kasta la jidhdilo,waxaana uu yidhi “ walaal aniga magacayga Maxamed Aadan Cabdi Nuur ayaa la i yidhaahdaa,waxaan ka imid Xaafadayada oo ah Hargeysa, waxaan tahriibay Bishii Ramadaan,waxaanu ku sugan nahay magaalada la yidhaahdo SABHA 500 km ayaanu u jirnaa caasimada wadankaasi,meel saxare ah ayaan imika joognaa,Soomaali badan oo 200 ilaa 300 oo qof gaadhaysa ayaa meeshan ku cadilan,maalin walba qaarbaa dhinta,waxaanay u dhintaan garaacis iyo jidh dilis”.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa hadana waxaa uu yidhi “dumarka waa la fara xumeeyaa,anagu meesha awood kuma lihin,lacago farabadan ayaa lanoo haystaa,anigu bil iyo dheeraad ayaan joogay halkan oo aan ku xidhnaa,waxaa ku dhintay 8-dumar ah iyo 14 wiil,oo qof uuni Oromo ka ahaa inta kalena ay ahaayeen Wada Soomaali,dadkaa dhintay qaar ayaa Diridhaba ka yimid,gabadhi waxay ka timid Magaalada Burco,waxaa ku jiray hablo Adisababa ka yimid,sidoo kale ragaa dhintay waxa ku jiray qaar Puntland ka yimid iyo Muqdisho,dad badan oo aan wajiyadooda garanayn oo aanan soo xasuusan Karin ayaa intaan joogay goobtan ku dhintay”.

Isagoo ka hadlay dadkaa dhintay sababaha ugu badan ee ay u dhinteen ayaa waxa uu yidhi “dadku laba dariiqo ayay u dhintaan,dadka qaar lacagaha waa lagala raagaa,waa lagaraacaa,dadka qaar markaaba lacagahooga waa la soo diraa,markaa dadkaasi waxa loo gudbiyaa xagaa iyo doonyaha,kuwa lacagahoogu ka raagaan oo kale,sida loo garaacayo oo kale waxa dhacda in biyaha laga jaro,waxa xusuus leh,dadkaasi halkaasi ku jira waxa lawada siiyaa maalintii hal litir oo biyo ah,wakhti keliya ayay wax cunaan”.

Wiilkan ayaa sheegay inuu aad u jeclaan lahaa hadii Hargeysa lagu celin karo waxaana uu yidhi “maanta hadii ay halkaa diyaaradi iigu imanayso oo la yidhaa dhamaan soomaalida halkan joogta dib ayaa loogu celinayaa dalkoodii walaahi inaanan hadal ka soo celiyeen,waxaan si gaar ah ula hadlayaa hablaha Soomaaliyeed,meeshan hablaha waa lagu faro xumeeyaa,meeshan dhibaato farobadan ayay walaal kala kulmaan,waxaan kula dar daarmayaa inay dalkooda hooyo iska joogaan,habeen hore oo u danbaysay hablo gaadhaya ilaa dhawr iyo toban ayaa la faro xumeeyay,oo aanan ka qaban karayn,hablaha reer Somaliland,reer puntland,reer jabuuti yaanay Adiis soo dhaafin ayaan kula dar daarmayaa”.

Waxa uu wiilkan u hadlay dadkan lagu haysto Liibiya baaq kaalma ah u diray muslimiinta Caalamka inay la soo gaadhaan gargaar bini-aadaminimo waxaanu yidhi “waxaan ka codsanayaa walaalahayga muslimiinta ah inay hoos u soo eegaan dadka lagu haysto liibiya ee dayacan ee lacagta loo haysto,waxaa ku jira 211-qof oo dhalin yaro ah oo dumar u badan oo lagu garaaco oo lagu jidh dilo,oo lagu faro xumeeyo,jabhad ayaa nahaysta,dadkii Adiis laga keenay oo kale lacagtii halkaa laga soo qaaday ayaa laga doonaya,halkan waa laba lacaga yaw,oo isku noqonaya 4700 dolar,3200 nin magafe la yidhaa ayaa qaata,1500 ee kalena nin Maqade la yidhaa ayaa qaata,hadii lagaa waayana waa lagu dilayaa”.

Waxa telefanka la wareegay ninkale oo Raage Cismaan Cawaale la yidhaahdo waxaanu hadalkiisa ku bilaabay “anigu waxaan ka tagay Itoobiya Jigjiga,duruuf adag ayaan ku nool nahay,hal litir oo biyo ah ayaan maalintii dhamaantayo qaybsanaa,maanta oo u danbaysay ayaa saaxiibkay agtayda ku dhintay,ciida uunbaa loo kala baadhay oo lagu rogay’.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here