Warbaahinta Caalami Ah Oo Wax Ka Qortey Somalilander Ka Dhex Mudhay Hal Milyan Oo Da’yar Ah
Washington (Hubaal)- Wargeyska Caanka ah ee ka soo baxa dalka Mareykanka ee New York Time, ayaa warbixin xiiso badan ka qoray Wiil dhalinyaro reer Somaliland ah oo deeq waxbarasho ka helay Jaamacadda adduunka ugu qaalisan ee Harvard. Warbixintan, ayaa wargeysku ku qaadaa dhigay qaabka uu wiilkani u helay fursadan qaaliga ah iyo dariiqii dheeraa ee uu u maray hayaankiisii waxbarasho ee Somaliland illaa Harvard. Warbixinkan Wargeysku waxa ay ku bilaabantay sidan “Tiro Milyan da yar Rag iyo Dumarba iskugu jira, ayaa Iskuulka Bishan iska diwaangeliyey, mid ka mid ah kuwa lama filaanka ah, Cabdisamad Aadan oo da diisu tahay 21 jir waxa uu sannadkiisii 1aad (the Freshman year), Jaamacadda Caanka ah ee Harvard University, xata 18 Qaraabaddiisa ka mid ahi ayaa ah kuwa aan aqoon laheyn oo ma gaadhin galaaska 1aad ee dugsiga hoose, waxaanu ku koray guri aan laheyn Koronto xata gurigoodu malaha biyo nadiif ah oo aqalka ugu jira waxaana korisay Ayeeyo aan aqoon maadi ah laheyn iyaga oo ku nool waddan aan dal ahaan dunidu aqoonsanayn, iyada oo intaasi oo jirta waxa uu ku guuleystay waxbarasho ifeysa isaga oo xaqiiqatan ah qofka kaliye hada ku jira beerta Jaamacadda Harvard isaga oo xata ah mid aqoon u leh sida caanaha loo listo. Cabdisamad waxa weeye ardayga kaliye oo nasiibka u helay in waxbarasho bilaash ah ka helo Xafiiska Jaamacadda Harvard oo uu ogolaasho ka helay, waxa uu maanka ku hayaa oo xasuusan yahay Jabtaradda xaaladiisii Somaliland, waa Wiil ka yimid Somaliland oo ah Jamhuuriyad gooni goosi ah taasi oo aanu jirin waddan dunida aqoonsi ay ka heshay, xata maaha waddan dalka Mareykanku uu Qunsuliyad Safaarad ah ku leeyahay oo u fududeyn laheyd VISA uu ku soo bixilahaa, balse waa Qiso kale taasi. Ardaygani lagu magacaabo Cabdisamad Aadan waa mid lagu maneystay Karti, Maskax waxa uu tusaale inoogu yahay in aynu aragno qof wakhtigan aynu joogno la qiimo ah, kartiduna waxa weeye mid aduunka laga helo balse nasiibku maaha sida, waxa uu ka soo baxay Iskuulka Abaarso School of Science and Technology, haddii aanay xata nasiibka saacidin, Cabdisamad waxa uu garawsana in uu ku biiro Axsaabtiisa qaar ka mid ah kuwaasi oo hore u tahriibay taasi oo xata naftiisa gelin karta halis aad u daran oo uu ugu badheedho saxariifka badda si uu ugu gudbo waddamo Yurub ku yaala, balse su’aashu waxay tahay side taa bedelkeeda uu Jaamacadda Harvard ku yimid? , taasi waxa lagu macneyn kara Wiilkani dadaalkiisa iyo hawl karnimadiisa iyo kartisiisu inay halka gaadhsiisay iyo ta ugu muhiimsan oo ah in nasiibku saaciday, Ameerika waa meel ganacsade caan ah laga noqon karo, balse waxa Wiilkani hor ugu soo dhibtooday arimo dhaqaale xumo, isaga oo dariiq adag u soo maray in uu Somaliland ka yimaado isla markaana halkan uu caruuro aad u quruxbadan waxbarasho kula wadaago taasi oo aanay kuwo kale oo badani nasiib u helin. Sida warbixinta wiilkani ka qortay Wargeyska New York Time, waxa lagu sheegay in uu wax ku bartay Iskuulka Abaarso School of Science and Technology ee ku yaala Somaliland, kaasi oo Mulkiile ka yahay nin lagu magacaabo Jonathan Starr oo u dhashay waddanka Mareykanka, balse Haweeney Eedo u ah oo Aabihii la dhalatay uu qabay nin Somalilander ahi, sannaddii 2008-dii Somaliland yimid kana furay Iskuulkan fursadaha Mustaqbal dayarta reer Somaliland ay nasiibka u heleen inay kala kulmaan Somaliland ilaa Mareykanka oo fursado waxbarasho ah, waxaana markii uu Mr Jonathan Starr go’aansaday in uu Iskuulkan Hargeysa ka furo ay qaar badan oo asxaabtiisa reer Mareykan ahi u arkayeen nin fikir ismiidaamin ah oo aan caqli aheyn la yimid iyaga oo ka wel welsanaa waxa inta ka dib isaga ku dhici kara madama oo aanay iyagu Somaliland dal la yidhaahdo aqoon u laheyn in uu dunida ka jiro,balse Somalida halaaga iyo khatarta badan uun maqli jiray, waxaan uu Isguulka Abaarso ka dhigay mid lagu barto Luuqadda English-ka oo Boodhin ah, kaasi oo ay wax ka baran doonaan Arday Wiilal iyo Gabdho iskugu jirta si ay halkaasi Mustaqbal ifaaya uga bilaabaan, iyada oo Isguulkiina loo bixiyey magaciisa ( Abaarso School of Science and Technology) halkaasi oo ay ardayda wax u dhigaan Macalimiin u dhashay dalka ii Jonathan ka soo jeedo ee Mareykanka, laguna barto lacag la’aan iyaga oo ka shaqeynaya macalimiintani waddan ay waaxda amniga ee dalkooda mareykanku uga digtay inay xata dalxiis ku tagaan sababo amni daro awgeed, waxaana Iskuulka Abaarso ku wareegsan gidaaro dhaadheer oo dayr ah, waxaana ilaaliya Askar amniga suga si ay uga hortagaan kooxaha sida Al-Shabaab oo kale, waxaana lagu dhaqmayaa taxadarka amni ee Mareykanka waxaana jira xarun Baskadka gacanta ee Hablaha taasi oo aan Somaliland wax caadi ah ama ka jira aheyn mana jirto kooxdani Hablaha Baskadka kubadda gacantu kooxo kale oo ay la ciyaaraan oo jira. Marka laga yimaado Iskuulka Abaarso ee Ardaygani Cabdisamad Aadan wax ka soo bartay waxa uu sheegay isaga oo ka sheekeynaaya nolosha qoyskiisa, in waalidkii kala tageen isaga oo aan dhalan, waxaana soo korisay Ayeydii waxa uu waxbaran jiray maalin kasta isaga oo aanay jirin cid xaafaddiisa ka tirsan oo dhaqaale ku taageerta balse hadana iyada oo ay sidaasi tahay waxa uu dhibco wanaagsan ka keenay dugsigiisii hoose isaga oo Imtixaankii dawliga ahaa ee Siddeedaad uu galay kaalinta 2-aad guud ahaan ardaydii dalka ee galaaska 8aad, waxaanay dhibaatadda jirtay aheyd in waxbarashadda dugsiga hoose Bishii $1 wax lagu baranaayo, halka gudsiyada sare ee tayadda leh ee gaarka loo leeyahay oo ah goobaha waxbarashaddoodu fiican tahay bishii ardaygu ku dhigto lacag dhan $40 dollar, Cabdisamad-na Islaanta u ayeyda ahi may awoodeyn bixinta lacagtaasi , si kastaba ha noqote waxba iyada umay muuqan sabab uu Wiilkeedu ku tago ugu gudbo ama ku galo dugsi sare , mana jirin qof qoyskiisa ka mid ah oo xata waxbarasho dugsi sare dhameystay. Cabdisamad Aadan waxa Waxbarasho Bilaasha siiyey dugsigan Abaarso halkaasi oo ah meel aad waxbarasho gaar loo leeyahay oo tayo lihi taalo, haddii aanay ardayda tayada lehi waxbarashadda awoodin inay iska bixiyaan, Mr Starr dhinaca kale ayuu arinta ka eegay sida darteed Cabdisamad wuxu waxbarashaddii gudsiga sare ka bilaabay galaaskiisii 9aad Isguulkan lagu magacaabo Abaarso Tech, waxaana uu halka ka bilaabay halgan cusub maadama oo xiisada lagu qaadanaayo luuqadda English-ta oo Cabdisamad ku adkaatay oo xata aanu ku hadli kareyn wakhtigii bilawga Iskuulku ku cusbaa, waxaana inta u dheerayd in Cabdisamad Ayeydii aanay ku niyadsameyn Wiilkeeda oo wakhtigiisa oo dhan Galaaska waxbarashadda uun dhex fadhiya , halkii uu qoyska gacan ka geysanlahaa “Waxa xaqiiqo aheyd in aanay iyadu bilawgii ku qacansaneyn waxaanay iweydiin jirtay aniga Ayeeyo miyaad na nacday ma Mareykanka ayaad jeclaatay” sidaasi waxa yidhi Arday Cabdisamad, balse nasiib wanaag waxa uu si dhakhso ah u bartay Luuqaddii ku adkeyd ee English-ka waxaanu sido kale ku guuleystay deeq waxbarasho oo heerka waxbarashadda ee Masters Schoo ah, ee College Prep School In Dobby Ferry New N.Y, waxaanu ku soo qaatay wakhti aad u adkaa intii uu College-kaasi, waxana isla Waxbarashaddaasi ay ku noqotay mid mudo kale qaadatay la qabsigeedu. Fursada dahabiga ah ee uu ku helay Arday Cabdisamad Aadan ku helay deeqda waxbarashadda Jaamacadda Harvard, waxay aheyd arin guul qaran u ah guud ahaan shacabka reer Somaliland iyada oo Madaxweynuhu uu xafiiskiisa ku qaabilay si uu u la kulmo Arday Cabdisamad oo uu u arkaayey halyey qaran, waxaana xusid mudan in aanay Cabdi Ayeydii xata waligeed maqal magaca Jaamacadda Harvard , balse waxay qirtay oo xaqiiqsatay sida ay Wiilkeeda ugu han weyn tahay sida uu guusha uga gaadhay hamigiisii iyada oo ku faraxsan muhiimadda ay waxbarashaddu leedahay, “Waxaan ku noo lahay Clarkston Ga. Area , iyada oo ah ah meel waxyar u jirta oo jaar la ah, deegaanka Atlanta oo jaarla , waa xaqiiq wanaagsan in dhaqamadda kala duwan is dhexgalaan taasi oo ah dhaqanka Bulshooyinka College iskugu timid, ” sida waxa yidhi Arday Cabdi Samad oo ka hadlayey Nolosha Harvard , waxaanu sheegay in Jaamacadda uu ka barto arimo aan inta badan dadku ka hadli oo kala duwan isaga oo hoosta ka xariiqay in markii uu Harvard ugu horeysay ee uu tegay laga siiyey Qol weyn oo uu dego, halka wakhtiigii hore uu hal qol 5 arday oo kale la wadaagi jiray, manu haysan agab balse Arday ay saaxiibo noqdeen ayaa ka caawiyey qalabkii Xiisadda uu ku gelilahaa, arinta ay mushkilada koobaadka qabsatay Cabdisamad-na waxay aheyd sidii uu uga isticimaali lahaa kaadhkiisa lacagta ee Debit Card-ka. Ugu dambeyntii Arday Cabdisamad waxa uu hoosta ka xariiqay kolka uu Waxbarashaddiisa sare soo dhameysto waxa u qorsheysan in uu dalkiisa hooyo ku soo laabto oo dhalinyarta caawiyo, iyo arinta kale oo ah in uu mustaqbalka maalin uun Madaxweyne ka noqdo dalkiisa ee Somaliland, waxaana xusida mudan in guusha iyo horumarka uu gaadhay Cabdisamad ay ka dambeyso warbarashadda tayadda leh ee Iskuulka ( Abaarso School of Science and Technology) halkaasi oo ah meesha noloshiisa salka u ah, mana ahaa Cabdisamad ardaygii 1aad ee ka baxay dugsiga Abaarso ma aheyn ee waxa ka soo baxay Isguulkaasi Arday ka badan 28 oo loo kala diray Jaamacaddo Caalami ah oo ay ka mid yihiin U.S. universities, including M.I.T., George Washington University, Grinnell, Oberlin, Holy Cross and Amherst.
Newyorktimes.com