“Wixii Ay Itoobiya & Somalia Kawada Hadleen, Deked Ama Arrin Kaleba, Somaliland Kuma Jirto”

0
19

“Heshiiska Soomaaliya iyo Itoobiya wuxuu ka dhexeeyaa laba dal oo aan jaar nahay.” Wasiirka Khaarajiga Somaliland Dr. Sacad Cali Shire

Hargeysa (Hubaal) Wasiirka arrimaha dibedda jamhuuriyadda Somaliland, Sacad Cali Shire, ayaa meel adag iska taagay heshiiskii Muqdisho ku dhex maray Sabtidii Soomaaliya iyo Itoobiya.

Isagoo u warramayey BBC ayaa wuxuu sheegay in heshiiskaas aanay jirin wax haba yaraatee iyaga ka khuseeya.

Mar wax laga weydiiyey arrin ay labada dal ku heshiiyeen oo ah ilaalinta midnimada Soomaaliya iyo maalgashiga afar dekedood oo Soomaaliya ku yaalla ayuu yiri Sacad C Shire “midnimada laga hadlayo malaha waa tan Soomaliya ee annagu mid aannu ku jirno ma aha. Wixii ay halkaa kaga hadleen, deked ama arrin kale, Somaliland kuma jirto”.

Wuxuu kaloo sheegay in arrinta dekedda Berbera aanay ahayn ‘mid Farmaajo khusaysa’.

Mar wax laga weydiiyey in ay doonayaan in Itoobiya ay weydiistaan inay caddayn ka bixiso heshiiska ayuu ku jawaabay Sacad “waannu arki doonnaa haddii Itoobiya ay wax ka beddesho heshiiskii aannu galnay, laakiin heshiiska Soomaaliya ay wada galeen ma aha mid wax ka beddelaya heshiiskii naga dhaxeeyey”.

Somaliland iyo Itoobiya ayaa uu ka dhaxeeyaa cilaaqaad wanaagsan.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here