“Wixii Aynu Ku Faanaynay Ayay Khatartii U Weynayd Soo Food Saartay”- Xubnaha Madasha Wadashiga Oo Digniin Hor Leh Soo Saaray…HUBAAL KA DAAWO Video Dhamaystiran 

0
32

Hargeysa, (Hubaal) – Madasha wadatashiga iyo Toosinta ayaa golaha Guurtidda uga digay inay isku dayaan inay kordhiyaan wakhtiga madaxweynaha, isla markaana madaxweynaha ugu baaqay in doorashadda madaxtooyadda wakhtigeeddii la qabto.

Eng:Maxamed Xaashi Cilmi wasiirkii hore ee Maaliyadda ayaa sheegay in haddii 2015 ka doorashaddu wakhtigeeddii dhici waydo ay caalamku ka tashan doonaan Somaliland, isla markaana kala mid dhigi doonaan Soomaaliyadda burburtay ee la doonayo in doorasho macmal ah loo sameeyo 2016.

Eng:Maxamed Xaashi Cilmi oo warbaahinta kula hadlay magaaaladda Hargeysa ayaa hadalkiisa waxa ka mid ahaa “Doorashadda 2015 ayey tii madaxtooyadu ku eegtahay, hore waxa inoo soo maray guurtida oo aan waligeed la dooran oo sharciyadii lagu shaqaynayey ka tagtay oo dhaxal ka dhigtay, taladeediina tallo xun ayey ahayd oo wax laga dhexlay may jirin, tii golaha Wakiiladda wuu dhamaaday oo kordhis badan ayaa la sameeyey oo caalamkii inuu inaga soo taagan yahay ayey u muuqataa, wixii aynu ku faanaynay ayay khatartii u weynayd soo food saartay, marka 2015 inay ku dhacdo doorashadu aad bay muhiim ugu tahay dalka, waad ogtihiin oo shirarka Somaliland iyo Soomaaliya u dhexeeya khalad weyn bay ina galiyeen, waxa dad badan oo caalamka ahi u qaateen in aynaan Soomaaliya ka tagin ee yar cadhaysanahay oo la inoo maslixi karo ayaa loo qaatay taasi wax ina qabata maaha oo dastuur baynu leenahaya 97% u codeeyey madax banaanideenna, marka haddii aynu nidhaahno doorasahada qaban mayno 2015 waxay fursadsiinaysaa Soomaaliya,shirarkan in aynu wadno maaha, waxaana doorasho macmal ah loo samaynayaa Soomaaliya 2016 oo waxaynu noqoni in la yidhaa ha loo wada talliyo tashan maayaane, anaga dalka lecjecladiisa ayey dani naga haysaa aynu ka horeyno doorashadda Soomaaliya loo qabanayo waxayna adkeyn doonta madax banaanideenna”

Xasan Guure

Sidoo kale, Gudoomiyaha Xasan Guure ayaa sheegay in aan laga aqballi doonin wax muddo kordhin ah, isla markaana xukuumaddu damacsan tahay inay mudadda xil haynta sii korodhsaddo, waxaanu yidhi  “Xil waliba wuxuu leeyahay muddo, mudadaasi marka ay dhamaato waxa la cadaystay in la iska sii fadhiyo, Guurtidiina dhaxal ayey noqotay, tuhun ayaanu ka qabnay in doorashaddu dib u dhacdo balse hadda waxa cadaatay in khamiistii dhowayd ay xukuumaddu golaha  Wakiiladda usoo gudbisay xeerka diiwaangelinta madaniga, waxa la isku ogaa oo guddida Doorashooyinka, xukuumadda iyo qaadhaan bixiyeyaashu isku ogaayeen doorashadaasi qabashadeeda si aan wakhtigeeda u dhaafin in la diiwaangeliyo codbixiyeyaasha, dawladuna waxay isku lifaaqday labaddii diwaangelineed kii madaniga ahaa iyo tii doorashadda, waxaanu haynaa inay waraaqo is dhaafsadeen xisbiyadda iyo xukuumadda in la qabto diiwaangelinta codbixiyeyaasha, wuxuu madaxweynuhu saxeexay in ay garab socdaan balse xukuumaddu hadda way isku xidhay si marmarsiiyo ugu noqoto muddo kordhin, waxaanu maqlaynay korodhsimo, ayaan daradda ugu weyni waxa weeyi marka xeerkii la isku ogaa aad ka baxdo haddii uu qofku marka uu xilkiisii ka soo bixi waayo yidhaa ha la Ii kordhiyo waa ayaandaro, waxaaanu leenahay dhaqankaasi ha la joojiyo oo madaxweynuhu yuu ka bixin wixi uu umadda u qaaday ee ahaa in wakhtigaasi dhacdo diiwaangelinta codbixiyeyaasha, guurtidda intii la ixitaami jiray waa la ixtiraamay, mar dambe ka ogolaan mayno in ay yidhaahdaan waanu kordhinaynaa, yaa siiyey awoodaasi, waxay Soomaalidu ku maahmaahdaa geesi malafsi bartay iyo doqon milantay dhexdooda ayay miidaamo ka dhalataa, geesi malafsi leh ayaad tihiin ha isku keen diline, waxay daliilsanayaana in wadanka aafooyin ka dhacaan illaa hadda ma jirto wax dhibaato ah oo jirta oo dalka ka dhacday oo dhibaato ah ilaahay bay u baryaan inay dhacdo mise dhicin, meel ka banaan ma jirto, marka ay ka dhamaato laba nin oo siman ayaanu nahay imika wuxuu I dheer yahay codkii mudadda la siiyey haddii mudadaasi dhamaato isku mid baynu nahay ”


A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here