Hargeysa (Hubaal) Khilaaf ka dhaxeeyay wasaaradda maaliyadda & xafiiska xisaabaadka oo la xidhiidhay nidaamka iyo sharciyada maamul ayaa la dhameeyay.
Sidaasna waxa lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiska wasiirka wasaaradda maaliyadda Somaliland. Nuqulka qoraalkan oo Hubaal soo gaadhay ayaa waxa uu u dhignaa sidan;
War-saxaafadeed
Wasaaradda Horumarinta Maaliyaddu waxay cadaynaysaa inuu dhamaaday kala aragtida sharciyeed ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda iyo Waaxda Xisaabaadka Guud ka dhexeeyay, kaas oo ku soo afmeermay in Xafiiska Xisaabaadka guud yahay Waax “Department/Office” ka mid ah Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda, sida ku xardhan Dastuurka JSL, Xeerka Maamulka Maaliyadda ee Waddanka u Dajisan iyo Hannaanka Dawladnimo ee Dunidu isticmaasho.
Allaa Mahad Leh
Yuusuf Maxamed Cabdi
Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda