“Wuxu Hadduu Bani’aadam Yahay In Cid Lagu Xumeeyo Waa Laga Ilaaliyaa, Far Kasta Oo Ay Dawladdu Taagtona In Saxaafadda Laga Sheego Maaha Laakiin…”

0
17

Guddoomiyaha hay’adda barakacayaasha iyo qaxoontiga ee Jamhuuriyadda Somaliland Cabdikariin Axmed Maxamed (Xinif)

Hargeysa (Hubaal)- Guddoomiyaha hay’adda barakacayaasha iyo qaxoontiga ee Jamhuuriyadda Somaliland Cabdikariin Axmed Maxamed (Xinif) ayaa shaaciyey doorka ay xukuumadda Madaxweyne Biixi ka qaadanayso qorshe bilow ah oo la doonayo in dalka dib loogu soo celiyo tahriibeyaal reer Somaliland ah oo xabsiyo ku yaalla wadanka Liibiya muddooyinkii u dembeeyey ku jiray kuwaas oo dhib badan ka mutay halkaasi. Cabdikariin Xinif, Guddoomiyaha Barakacayaasha Somaliland ooshalay qaar  kamid ah warbaahinta dalka ugu warramay xafiiskiisa magaallada Hargeysa waxaa uus heegay in dhawaan ay dalka soo gaadhi doonaan dhalinyaro tahriibeyaal ah oo diyaarado lagaga soo daabuli doono wadanka Liibiya “Dhalinyaradeenii faraha badnayd ee tahriibtay ee Liibiya ku xidhxidhnayd ayaa soo celintoodii ay immika bilaabantay, waxaanan u filaynayaa in ay toddobaadkan ay madaarka Hargeysa kasoo degaan ilaa laba duullimaad oo sida dhalinyaradaas”. Sidaas ayuu yidhi Guddoomiyaha hay’ada barakacayaasha iyo qaxoontiga somaliland, waxaana uu intaa ku daray  “wuxu hadduu bani aadam yahay oo arrimuhu haddii ay kuwo bani aadamno yihiin siyaasadda waa laga ilaaliyaa in cid lagu xumeeyana waa laga ilaaliyaa ee gurmad uun baa laga galaa. Waxaan inta badan websiteyada ku arkaa iyada oo ay leeyihiin arrimaha sidaas iyo sidaas ah oo dhacay iyo dawladda oo aanwar u hayn….yaa u sheegay in aanay arrimahaasi war u hayn, waxaanay ogayn in far kasta oo ay dawladdu taagto aanay ahayn inay saxaafadda u sheegto, waxyaalaha qaarkood baan u baahnayn in saxaafadda laga sheego, waxaananu jecelnahay in wax waliba sida ay yihiin uun lagu koobnaado oo aan la buunbuunin”. Sidaas ayuu yidhi Mr. Xinif

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here