Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf (Cabdi-waraabe)
“Waxaan Leeyahay Doorashada Illaahay Baa Dib U Dhigaye Hala Hubsado Halka La Dhigayo Iyo Waqtigay Noqonayso”
Hargeysa (Hubaal)- Xil. Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf Oo Cabdi-waraabe ku magac dheer ayaa farriin waayeelnimo oo la xidhiidha xaallada waqtigan ka taagan dalka ee abaaraha iyo doorashooyinka madaxa iskula jira u diray jileyaasha saddexda xisbi qaran ee ku loollamaya tartanka doorashada madaxtooyada, taasi oo qabsoomideeda aragtiyo kala duwan ka qaba. Xaaji Cabdi Waraabe waxaa uu ku baaqay in hoos loo eego xaallada abaareed ee dalka jirta oo uu u magac bixiyey naanaysta sooyaalka u geli doonta ee lagu xasuusan doono mustaqbalka taasi oo uu ugu wanqalay [Abaarta Baaha].