Xaakim ka tirsan federaalka Maraykanka ayaa si ku-meel-gaar ah u hor istaagay xannibaaddii uu Madaxweyne Trump ku soo rogay dhoofayaasha 7 dal oo Muslim ah.
Xaakimka, James Robart, oo jooga Seattle ayaa gaashaanka ku dhuftay is hortaagid ka timid qareenno u doodayey xukuumadda, isagoo sheegay in xayiraadaha si degdeg ah loo qaadi karo, ayadoo dhanka kalena kiiska xagga sharciga la dhagaysanayo.
Waaxda caddaaladda ayaa sheegtay inay racfaan degdeg ah ka qaadan doonto xukunka, kaasoo caqabad weyn ku noqday maamulka Trump.
Maamulayaasha Maraykanka ayaa sheegaya in tobanaan kun oo Visa dib loola laabtay tan iyo markii madaxweyne Trump uu saxiixay amar madaxweyne oo xaddidaya socdaalka muddo todobaad laga joogo.
Xigasho: bbc