Xaakinka Federaalka Maraykanka ee Seettle oo Is-hor-taagay Go’aanka Muslimiinta ka dhanka ah ee Trump

0
51

Seattle(Hubaal):- Kumannaan Qof oo ku dhaqan waddanka Maraykanka oo Muslimiin Soomaali badani ku jirto ah, ayaa taageeray, isla markaana soo dhaweeyey Xaakim Heer Federaal ah oo go’aan uu si ku-meel-gaadh ah ugu hor-istaagay ka soo saaray go’aanka Madaxweyne Donald Trump sheegay inuu ku joojiyey inay Maraykanka geli karaan muddo sagaashan cisho ah Qaxoontiga iyo Dadka toddoba Waddan oo Muslimiin ah.

Xaakimka jooga Maxkamadda Seettle oo lagu magacaabo James Robart, ayaa shaaciyey go’aanka ku-meel-gaadhka ah ee uu isku-hortaagay go’aanka Madaxweyne Trump ee cunsirinnimada iyo Islaam-nacaybka ah.

Waxaanu Garyaqaankaasi si cad gaashaanka ugu daruuray oo uu is-hortaagay Doodda Qareenno difaacayey go’aanka Trump oo ka socday Xukuumadda dhexe ee Federaalka Maraykanka. Xaakin James Robart waxa uu sheegay in xayiraadaha si deg-deg ah loo qaadi karo, iyada oo dhanka kalena kiiska xagga Sharciga la dhegaysanayo.

Xukuumadda Federaalka Maraykanka, ayaa la filayaa inay Racfaan deg-deg ah ka qaadato Xukunka Xaakin Robart, kaasoo caqabad weyn ku noqday Maamulka Trump, haddii ay Xukuumadda dhexe Racfaan ka qaadato go’aanka Xaakimka, ayaa si ku-meel-gaadh ah u buraya sida uu dhigayo Sharciga dalkaasi, balse haddii aanay Racfaan ka qaadan sidaas ayuu go’aan Sharci ah oo dhaqangal ah ku noqon karaa.

XAAKIMKA-MAXKAMADDA-SEETTLE-OO-IS-HORTAAGAY-GOAANKA-TRUMP-EE-MUSLIMIINTA-KA-DHANKA-AH-2017

Maamulayaasha Maraykanka, ayaa sheegaya in tobannaan Kun oo Visa dib loola laabtay tan iyo markii uu Jimcihii toddobaadkii hore Madaxweyne Donald Trump saxeexay Amarka xaddidaya socdaalka muddo Sagaashan Maalmood ah oo uu ku tilmaamay inay tahay wakhti ku-meel-gaadh ah oo la samayn doono baadhitaanno iyo hubin dheeraad ah oo dhinaca Amniga ah, todobaad laga joogo.

Waddamada uu Dadkooda go’aankan xannibaadda ah ku soo rogay Madaxweynaha Seeflaboodka ah, Siyaasaddana Socod-baradka ku ah ee Maraykanka Donald Trump, ayaa kala ah; Soomaaliya, Suuriya, Yemen, Ciraaq, Suudaad, Liibiya iyo Iiraan, waxaanu go’aankiisu saamaynayaa keliya Dadka Muslimiinta ah ee dalalkaas u dhashay.

Hase-yeeshee, Dadka Kiristaanka ah iyo kuwo Diimaha kale ee aan Islaamka ahayn haysta ee waddamadaa u dhashay ma saamaynayso Xiyiraaddiisu sida uu Trump laftiisu caddeeyey, isaga oo sheegay in Dadka Diimaha kale haysta ee toddobada dal uu Xayiraadda ku soo rogay ay markii hore dulmanaayeen oo aan Maraykanku waxba u qaban jirin, halka Muslimiinta dalalkaas uu Maraykanku ka caawin jiray, sidaa daraaddeedna Maamulkiisu uu wax u qaban doono, caawwin doono oo uu garab-istaagi doono.

Waxaana lagu macneeyey go’aankan Trump iyo sida uu u kala qeexay Muslimiinta iyo Dadka kale ee dalalkaas sida go’aankiisu u kala saamaynayo, in go’aankiisu yahay mid salka ku haya mid Islaam-nacayb iyo Takoor cad ah, taasoo ka soo horjeedda Dastuurka dalka Maraykanka oo dhigaya inaan Diin, Midab iyo Jinsiyad lagu kala saari karin Dadka Maraykanka ku dhaqan iyo kuwa oggolaanshaha ka helay-ba.

Dadweynaha 14 gobol oo Maraykanka ka tirsan ku dhaqan ee Muslimiinta ah oo Soomaalidu ku jirto, Qareenno iyo Ururrada Xuquuqda Aadamaha u dhaqdhaqaaqa ayaa Dacwad ka dhan ah go’aanka Trump u gudbiyey Maxkamadaha dalkaas, si ay qaraar uga gaadhaan, waxaana go’aankan xalay Xaakimkani ku dhawaaqay ka hor isaguna ku gacan-saydhay oo is-hortaagay go’aanka Trump Garsooraha Maxkamadda magaalada New York oo Sharci-darro ku tilmaamay go’aanka Madaxweyne Trump, waxaanay qaarkood Warbaahinta Maraykanka iyo Saxaafadda kale ee Caalamka la hadasha la hadlay ku tilmaameen go’aanka Xaakinka Seettle mid caddaalad ah oo ay soo dhawaynayaan, isla markaana ay Xaakinnada Federaalka ee Maxkamadaha fadhiya ay sidaas oo kale inay sameeyaan ka rejaynayaan.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here