Hargeysa (Hubaal)- Wasiirka Madaxtooyada Somaliland, ahna Ku-simaha Guddoomiyaha Guddida Heer Qaran ee Abaaraha Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa soo bandhigay xaddiga lacagta loo baahan yahay ee bil kasta lagu quudin karo dad tiradoodu gaadhayso 3 boqol kun oo qoys oo ay saameeyeen abaaraha adag dalka ka jira xilligan.
“Waxa aynu u baahan nahay inaynu gacmaha is-qabsanno oo isu tashanno. Maanta qoska kaliya ee innaga mid ah waxa aynu bishii ku badbaadin karnaa lixdan doolar ($60). Haddii ay maanta saddex boqol oo kun oo qoys xaalad ku jiraan, waxa kafaalo qaadan kara saddex boqol oo kun oo qof oo bishiiba bixiya min lixdan doolar ($60). Waa tab iyo xeelad aynu ku maarayn karno, kagana samata bixi karno duruufahan,” ayuu yidhi Wasiir Xaashi oo bulshada gobollada Gabiley iyo Awdal ee galbeedka Somaliland ka guddoomay taakulayn ay ugu talogaleen walaalahooda abaaraha kulul ku dhufteen ee ku nool gobollada bari ee dalka shalay.
Sida Wasiirku sheegay haddii saddex boqol oo kun oo qof ay bil kasta bixiyaan $60 doollar, waxa ay wadarta lacagtaasi noqonaysaa $18,000,000 (sideed iyo taban milyan oo doollar), taasoo quudin karta qoysas tiradoodu dhan tahay saddex boqol oo kun oo qoys bishiiba.
Wasiirka Madaxtooyada waxa uu shacabka Gabiley iyo Awdal uga mahad-celiyey caawimada ay fidiyeen bulshada gobollada bariga Somaliland ee abaaraha xun saamaynta ku yeesheen, “Waxa aannu ku bogaadinaynaa, uguna mahadnaqaynaa guddiyada halkan fadhiya iyo bulshada gobollada Awdal iyo Gabiley sida walaaltinimada leh ee wanaagsan ee ay u soo dhaweeyeen dadkii ku soo guuray ee dhulka abaarta ah ka yimi. Udub iyo hayaan badan ayaa ku soo dhacay, waxana xogtoodii ka mid ahayd maalintiiba in degmada Dila iyo Gobolka Gabiley marka laysku geeyo in ilaa konton gaadhi oo sida dad uu maalin walba yimaad, taas oo muddo socotay, markaa bishii haddii konton gaadhi maalin walba imanayaan waxa weeye kun iyo shan boqol oo qoys, runtiina taas waannu ugu mahadnaqaynaa.”
“Dhulku wuu kala duwan yahay. Dhulka barigu waa dhul furan oo daaqatada iyo raacatadu wada leedahay, laakiin dhulka degaannada galbeedku waa dhul la deggan yahay oo kala xidhan oo la kala leeyahay. Go’aan sahlan maaha nin beertiisii furay oo nin walaalkiis ah ku soo dhaweeyey oo daaqii iyo calaf wixii uu hayeyba loogu yimmi oo lala wadaagay. Waxay muujinayaan arrimahaasi sida aynu dad keliya u nahay, sida aynu isugu damqanayno. Waxa ay muujinaysaa hilowga iyo kalgacalka bulshda Somaliland ka dhexeeya, dhaqanka wanaagsan ee ay leedahay, waayo mar walba waa la isku hayaamaa. Waxa weeye xillad, xeer wanaagsan iyo xannaan ayey bulshadeennu isku wada leedahay. Deeq iyo gobonnimo badan ayey leedahay, aad ayaanuna ugu bogaadinaynaa, Ilaahayna (SWT) waxaannu ka baryeynayaa inuu cawad san siiyo, kana samata bixiyo duruufaha adag ee ka jira dhulka intiisa kale,” ayuu yidhi Wasiirku.
Md. Maxamuud Xaashi oo ka hadlayey sida bulshada dalka Jamhuuriyadda Somaliland isugu tiirsan yihiin, isuguna gurmadaan marka dhibaatooyin abaaraha oo kale ah ku dhacaan, waxa uu yidhi; “Waxa aynu u baahan nahay marka arrimahu sidan oo kale noqdaan. Bulshada Somaliland waxaanu ku guubaabinaynaa waxaynu u baahan nahay inaynu is taakulayno; inaynu is gargaarno, inaynu isu tashanno, inaynu Ilaahayna u toobbad keenbo oo barino. Waxa lagama maarmaan ah inaynu iska ilaalinno in aynu jaahwareerno, inaynu quusanno, inaynu is karaahiyeysanno. Waxyaabahaas oo dhan waa calaamadaha jabka iyo guul-darrada.”
Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Md. Maxamuud Xaashi Cabdi oo ay wehelinayaan xubnaha Guddida Heer Qaran ee Abaaraha Somaliland, ayaa deeq isugu jirta raashin iyo bal ama caws xarunta Madaxtooyada kagala wareegay Guddida Taakulaynta Abaaraha Gobollada Galbeedka Somaliland ee Awdal, Gabiley iyo Salal shalay.
Guddoomiyaha Guddida Taakulada Abaaraha ee Gobolka Awdal Sheekh Maxamed Jaamac Dhawal oo munaasibadda caawimada lagula kala wareegay ka hadlay, ayaa ka warbixiyey xaddiga taakulada gobolka galbeedka Somaliland ku deeqeen.
“Waxa aannu halkan ku wareejinaynaa raashin toban kun oo qoys ah (10,000) oo ay gobollada Awdal iyo Salal ku caawinayaan walaalahooda gobollada bariga Somaliland, annagoo aad iyo aad uga xun, uguna damqanayna, aadna u garab joogna, taageeraynana waxa aannu ku deeqaynaa taakulayn aannu tobankaas kun ee qoys ee aannu walaalaha nahay u sidno oo aan ku wareejinayno Guddida Abaaraha Qaranka oo halkan fadhiya, intiinna kalena marag ayaannu idinka dhigaynaa, sidaasna waxa noo soo igmaday gobollada galbeedka guddidoodii taakulaynta abaarta, salaadiintooda iyo odayaashooda dhaqanka, wixii dambena walaalahayo waxba ka hagran mayno. Waa la ag taaganahay kuwa noo yimidna waxbaan siinaynaa ka naga maqanna waxbaan siinaynaa,” ayuu yidhi Sheekh Dhawal.
“Marka hore waxa aan u ducaynaynaa dadka reer Somaliland meel kasta oo ay joogaan iyo dadka muslimiinta ahba abaarta caamka ah ee saamaysay in Alle ka kor qaado, si aad ahna waan ula damqanaynaa. Waa wixii sannadkii hore annaga na hayey oo maantana bari ka jira, markii horena way nala qabeen xaqiiqatan, balse way na dheer yihiin, Ilaahayna waxaan ka rajaynayaa inuu si degdeg ah faraj khayr qaba innoogu keeno.” Sidaana waxa yidhi Xasan Yuusuf Warmahaye oo ka mid ah Guddida Taakulanta Abaaraha ee Gobolka Gabiley oo halkaas ka hadlay.
Waxa uu intaa sii raaciyey, “Annagoo ah Guddida Taakulaynta Abaaraha ee Gobolka Gabiley waxaannu halkan ka caddaynaynaa in aanu gobollada bari ee uu ugu sokeeyo Togdheer ugu deeqno laba boqol oo gaadhi (200) oo bal amba caleen ah. Waxa kaloo aannu caddaynayaa insha Allaahu raashinkii Turkiga ee caawimada ahaa markaannu aragnay duruufaha jira, inkastoo aanan cadadkiisa halkan ka xusi karin wixii na soo gaadhay ee qaybtayada ahaa in aannu gurmadka walaalahayaga bariga kaga qaybqaadanno.
Culayska abaaruhu annagaba waa na saaran yahay, balse kuwa noo yimmi beerahayaga wixii ka baxa mar ayaannu shidaalka wada goosan doonnaa oo mar bay gellayda, garawguba naga wada dhammaan doonaan, waanan soo dhowaynaynaa, bil ka horna waannu u fasaxnay beeraham wacyigelinna waxa aanmu ku samaynay qoysaska, reerba reer ayaanmu la dejinmay, biyahana waa loo dhaaminayaa, waana loo karinayaa insha Allaahu. Waxaad ogaataan dadka reer Somaliland iyo dadka muslinka ah waa jidh keliya oo mar ayey naftu ka wada baxaysaa, Ilaahayna waxaan ka rajaynayaa in aynu wada noolaanno.”
Guddoomiye-ku-xigeenka Guddida Abaaraha Qaranka Somaliland Sheekh Xasan Cabdisalaan oo ah, ayaa ku baaqay in si guud looga qaybqaato gurmadka loo fidinayo dadka abaaruhu saamaynta ku yeesheen.
“Deeqda raashinka ee Turkigu innagu soo caawiyey iyaguna waa ku mahadsan yihiine qaybihii ay ku lahaayeen gobollada galbeedka laga soo bilaabo Gobolka Maroodi-jeex iyo qaybo ka mid ah Gabiley iyo Awdal, deeqdaasina waxay ahayd boqol kun oo qoys, waxaanay gaadhay afartan kun oo qoys. Gabiley iyo Awdal inta ka joogtaa waxay noo caddeeyeen inay uga tanaasuleen walaaladood, waana ku mahadsan yihiin, annaguna waannu ka guddoonnay raashinkaasina sida uu u dhan yahay wuxuu wada tagi doonaa gobollada bariga oo ka bilaabma Saaxil ilaa laga gaadho Xaysimo iyo inta u dhexaysa.”
“Waxa iyaduna runtii guddoon wanaagsan ah oo aannu ka guddoonnay Gobolka Gabiley laba boqol oo baabuur bal ah oo iyagana loogu talogalay xoolaha in lagu caawiyo. Waxa isaguna ballanqaad wanaagsan innooga yaal oo bulshada Gobolka Awdal inoo ballanqaadeen, innooguna magan yihiin balkaas iyo caleentaas,” ayuu yidhi Sheekh Xasan Cabdi Salaan.