Xabsi Furan: Malyuun Fursadood Oo Feker U Baahan- W/Q. Saleebaan Sahal

0
62

saleebaan-sahal-jaamac

Jamhuuriyada Somaliland  waxay jirtaa 25 sanadood iyo dheeraad , waa dowlad rubuc qarni jirtay oo intaasi oo dhan caalamka ka dalbanaysay aqoonsi caalami ah sidaasi oo ay tahay  Jamhuuriyada Somaliland waxa ugu badan ee ay dhoofisaa waa xoolaha nool oo Somaliland u iibgayso  dalal uu Sucuudi ugu horeeyo  kuwaasi oo aan siyaasad ahaan ogolayn inay Somaliland ka go’do Somaliya inteeda kale, hadii laga fursan waayo Somaliland waxay kale oo dhoofisaa tiro aad u yar oo ah beeyo iyo foox qeedhin.

Inkastoo ay Somaliland baahideeda koowaad ka dhigto aqoonsi caalami ah oo ay hesho hadana baahiyaha aas-aasiga ah ee dadweynaha reer somaliland dhamaantood waxaa laga keenaa  wadamo kale cuntooyinka kala ah bariiska , daqiiqda , Sonkorta , saliida iyo xitaa findhicilada  waxaa dhamaantood laga keenaa wadama dibada , digirta , galayda iyo hadhuudhka ayaa sidoo kale qaarkeeda laga keenaa wadamo kale  .

Qormadan Xabsi Furan ( An open prison ) ayaan kaga hadlayaa aragti kooban oo aan aaminsanahay inay Somaliland kaga bixi karto ku tiirsanaan waxsoo-saar shisheeye iyo kordhinta waxsoo-saar ee gudaha dalka somaliland taasi oo qayb ka noqonaysa helista aqoonsi buuxa oo Jamhuuriyada somaliland ka hesho caalamka .

kumanaan dhalinyaro ah ayaa ku jira xabsiyada dalkeena kuwaasi oo u   xidhan falal-dambiyeedyo aan dil ahayn oo ay ka mid yihiin tuugonimo , Waalid caasi , daymo lacageed , Kiis iska waal iyo dambiyo kasii fudud ,  waxaa laga yaabaa inay maxaabiistaasi dhalinyarada ahi u xidhan yihiin muddo badan falal-dambiyeedyadaasi  isla markaasna ay dareemayaan xoriyad la,aan iyo cabudhin badan oo ay mararka qaarkood jeelasshaba ku dhex curyaamaan kadib marka ay muddo ku xidhnaadaan qol aan jimicsi fiican lahayn.

Qorshaha Xabsi Furan ama An open prison  wuxuu nuxurkiisu noqonayaa sidii dhalinyaradaasi iyo dhamaan dadka u xidhan dambiyada fudud loogu bedeli karo shaqo qaran , taasi oo ah hadii wiil dhalinyaro ah loo xidho waalid caasi ama tuuganimo muddo dhan laba sano inuu labadaasi sano u shaqeeyo qarankiisa  oo xabsigii iyo  qolkii uu ku cabudhsanaa loogu bedelo shaqo tusaale ahaan inuu  ka shaqeeyo beero qaranku leeyahay ama uu maxbuuskaasi  ka qayb-galo mashruucyo kale oo  horumarineed kuwaasi oo Qaranka Somaliland  faa,iido u leh,  sida dhismaha Wadooyinka qaranka , dhismaha Wershado qaranku yeesho iyadoo maxbuuskaasi lagu ilaalinayo shaqada uu qaranka mudada uu xukunku u dhamaanayo.

Gabagabadii nidaamka Xabsi Furan wuxuu badbaadin lahaa kumanaan maxaabiis ah oo maalin kasta ku dhex curyaama jeelasha dalkeena  wuxuuna kordhin lahaa dhaqaalaha iyo waxsoo-saarka dalkeena u dhoofiyo dibada sidoo kale wuxuu sababi lahaa isku filnaansho cunto oo Somaliland gaadho muddo gaaban.

 Allaa Mahad leh

W/Qorey : Saleban Sahal Jamac

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here