“Xadhiga Waxaa Mudnaa Wasiirka Macdanta, Laakiin Qabyaalad Ayuu Ku Badbaaday…Sharciga Cida Tuugta Sheegta Qabanayaa Waa Ka Siilaanyo”Cali Guray

0
49

Hargeysa(Hubaal) -Guddoomiye Ku Xigeenka Saddexaad ee Xisbiga UCID Mujaahid Cali Yuusuf Axmed (Cali Guray) ayaa si kulul u naqdiyay Xadhiga Masuuliyiinta Wargayska Haatuf.

Cali-Guray11

Cali Guray waxa uu ku dooday in hadii cid la xidhayo ay ku haboonaayeen wasiiradda musuqmaasuqa ay Haatuf ka baahisay iska difaaci kari waayey, kuwaas oo uu ku tilmaamay in sababta kaliya ee ay xadhiga uga bad-baadeen uu yahay reernimo.

Cali Guray waxa uu sidaasi ku sheegay qoraal kooban oo ku baahiyay bogiisa facebook,oo u dhignaa sidan “Xadhig waxa mudnaa wasiirka macdanta. laakiin qabyaalad bay ku badbaadeen. labadan na lagu xidhay. keliya waxay tani inoo sheegaysaa in aan sharciga hortiisa loo sinayn ee wasiirada reerkiisu ay ka sareeyaan sharciga. sharciga tuugta qabqaban waayay ee cidda tuugta sheegta qabqabanayaa waa ka madxwayne silanyo ee ka dalka maaha”.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here