Xadhiga Xildhibaannada Boorama oo lagu Xidhiidhiyay Wasiirrada Xukuumadda

0
41

Xaaladda Awdal Ma Isu Bedeli Kartaa Dhuxul Dambas-huwan oo Xukuumaddu danno Siyaasaddeed u Faadh-faadhayso?

Boorama(Hubaal)-Ciiddamada Ammanka ee Gobolka Awdal ayaa habeen hore taxaabay Dad kor u dhaafaya 22  Ruux u badan oo ay  ku jiraan laba Xildhibaan oo ka tirsan Golaha Deegaanka ee Degmada Boorama.

Xildhibaanada Booliska Magaalada Boorama xabsiga u taxaabeen ayaa magacyadoodu kala yihiin , xildhibaan  Xasan Muxumed Faarax iyo Xildhibaan Axmed , kuwaasoo  ay  Boolisku  shalay arroornimadii u soo dhaadhiciyeen xabsiga  Magaalada Hargeysa .

Boorama
Xadhiga Dadkan oo ku soo beegmay xilli ay wali kacsantahay xiisadii Siyaasadeed ee muddooyinkan damabe ka taagnayd  Gobolka awdal, ayaan la ogayn ilaa hada sababta keentay iyo cidda ka dambeysa toona, sida lagu baahiyay Wargeyska Yool ee ka soo baxa Magaalada Hargeysa ilo-wareedyo kala duwan oo Wargeysku helay , ayaa tibaaxaya inay ka dambeeyaan  xubno ka mid ah Wasiirrada Xukuumaddu u dirtay dejinta xaalada halkaasi ka aloosan, kuwaasoo maalmihii u dambeeyay la dareemayay inay ku baahday daminta khilaafka ku salaysan Tabashada siyaasiga ah ee xadka ka baxay .

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Xukuumadda dhexe , siiba Wasiirrada xadhigan lagu xidhiidhiyey iyo maamulka Gobolka toona oo ku saabsan dhacdadan, hase-yeeshee Maayirka Magaalada Boorama iyo xubno ka mid ah Golaha Deegaanka ee  degmada Boorama , ayaa si kulul u cambaareeyay xadhiga lagula kacay Xildhibaanada Xasaanada huwan oo ay ku tilmaameen mid gef sharciga iyo kala dambeynta Maamul ee dalka.

Duqa Degmada Boorama Saleeban Xasan Xadi oo shalay Warbaahinta la hadlay, ayaa isagu caddeeyay in xadhiga Dhalinyadu salka ku hayo Mudaharaadkii maalintii Sabtida ka dhacay magaalada Boorama, balse wax tafaasiil ah kamuu bixin ujeeddada loo taxaabay xildhibaanada.

Waxaanu yidhi “kolay waad ogaydeen oo watii shalay (doorad) waxoogaa tuur-tuur ahi ka dhacay magaalada, markaa xadhiga Dhalinyaradu wuxuunbuu la xidhiidhaa arrintaas, hadii wax dhacaana ciidanka nabad-gelyadu waxay sameeyaan howl-gal. Howlgalkaasina mid khaldan wuu noqon karaa mid saxana uu noqon karaa, laakiinse marka baadhisteeda la gaadho ayuunbaa la ogaanayaa waxa khaldan iyo wixii saxanba”

Maayirka oo ka hadlayay xadhiga labada xildhibaan ayaa yidhi “Laba Xildhibaan ayaa xidhan, waxa kale oo xidhan dad dhalinyaro ah , sidaan horeba u sheegay hadii howl-gal dhaco waa laga yaaba inay dad daacad ah oo aan waxba samayn ay  uu saameeyo  iyo inay dad dambi galayba uu saameeyo, markaa marka baadhis la sameeyo ayuunbaa wax walba la ogaan karaa”ayuu ku gaabsaday Maayirku.

Geesta kale, Xildhibaan  Axmed Catoosh oo ka tirsan Golaha Deegaanka ee Boorama ayaa si kulul dhaleeceeyay falkan xadhiga ah, waxaanu caddeeyay inaanay golle deegaan ahaan ilaa aqoonsan cidda ka dambeysa iyo meesha laga soo amray toona xadhiga lagula kacay xildhibaannada la soo doortay ee Golahooda iyo dhalinyarada toona.

Wuxuuse farta ku fiiqay Xildhibaanku inay Wasiirrada xukuumadda qaarkood si aan meesha qaban uga fal-celiyeen xadhiga labada xildhibaan oo ay kala hadleen isaga iyo xubno oo golahooda ka tirsani, waxaanu yidhi isagoo arrimahaasi ka hadlaya.

 “xadhigaa foosha xun ee lagula kacay Xildhibaanada xasaanada leh, ee aan xasaanadoodii iyo masuuliyadii ay umadda u hayeen aan lagu tix-gelin waa wax meel uu ka socdo aannaan garanayn, laakiinse markii aanu ka daba-tagnay waxa naloo sheegay inaan loo haysan Mudaharaadkii ka dhacay Boorama ee Dambi kale lagu haysto”ayuu yidhi Xildhibaan Catoosh,

Waxaanu intaasi ku daray “Wasiirrada ayaannu la kulanay, Wasiirka Xidhiidhka Goleyaashu wuxuu nagu yidhi Xildhibaannadu wax xasaanad ah ma laha, waxaanan ku nidhi Golaha Wakiillada ayaa leh Xasaanad, Golaha deegaankuna taas mid la mid ah ayay leeyihiin”ayuu Xildhibaanku.

Dhanka kale, Ma jiro wax war ah oo ilaa hada ka soo baxay maamulka Gobolka Awdal intii xadhiga Dadkan warbaahinta soo gaadhay, balse Badhasaabka Gobolka Awdal Cabdoo Axmed Aayir oo Sabtidii  Warbaahinta la hadlay ayaa cambaareeyay Culayska Ciidan ee ay Xukuumaddu dul dhigtay Dadka reer Awdal,  isagoo arrintaasi ku tilmaamay mid dabka ku sii shidaysa xaalada haatan aloosan.

Cabdoo Aayir, ayaa si cad farta ugu fiiqay inay xad gudub iyo cabudhin in lagu sameynayo shacbiga  ula muuqato maamul ahaan talaabada Milateri ee ay dawladdu kaga jawaabtay tabashadii Suldaan Wabar  iyo deegaankiisa ka soo yeedhay.

“waxaan leeyahay xukuumad ahaan umay baahayn arrintu Gobolka ciidankan faraha badan ee la keenay, waxay baahantahay wada hadal, oo waa in wadahadal lagu xaliyaa, marka wadahadalka waxba ka soo bixi waayaan ayaa wixii duruuftu kalifto in looga wareego ay tahay, laakiinse arrintaa ciidamadu sida iiga soo baxaysa dareemada culaysbay shacbiga ku tahay, umaanay baran shacbiga gobolku”ayuu yidhi Cabdoo Axmed Aayir.

Waxaanu intaasi ku daray “waxaan u arkaa in  arrinka Gobolku Miisaankii lagaga howl geli lahaa aanu lahayn, howshaana waxa gacanta ku haya wasiirradii xukuumadda iyo deegaankii uu Suldaan Wabar ka soo jeeday”ayuu hadalkiisa ku daray Guddoomiye Cabdoo oo shalay markii qalalaasuhu ka aloosnaa Magaalada Boorama isna lagu soo dhaweeyay halkaasi oo safar dibada ah kaga maqnaa.

Geesta kale, Xisbiyada Mucaaridka iyo Xildhibaanno ka kala tirsan goleyaasha Baarlamanka Somaliland ayaa si kulul u cambeereeyay cadaadiska aan meesha qaban ee ay xukuumaddu ku hayso Bulshada reer Awdal. Waxaanay dadka xaaladan isha ku hayaa ku sarifayaan in xaalad u muuqaal eeg kicin siyaasaddeed oo ay xukuumaddu dano khaas ah u fallayso.

Dhanka kale, Wararka ka soo duul-duulaya xsbiyada Mucaaridka ah ee shaqaaqadan la xidhiidha ayaa  tusmaynaya inay arrintu tahay mid looga gol-leeyahay  xaalad abuur la doonayo inay dariiqa u xaadho  muddo kordhin xukuumaddu duruufo sababbeed u raadinayso, waxaana dareenka noocaas ah tusaale loogu soo qaadanayaan talaabooyinka guracan ee lagu waajahay tabashada Bulshada Gobolka ee Madaxweynaha Jawaabteeda laga sugayay.

Gobanimonews

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here