Hargeysa:(Hubaal)-Qoraa Siciid Maxamuud Gahayr oo muddo 88-maalmood ah ku xidhnaa xarunta CID-da Hargeysa, ayaa dib xorriyadiisii u helay, kadib markii ay maxkamaddu ku weyday dembiyo lagu soo oogay, waxana uu daqiiqado kadib markii lasii daayey uu saxaafadda uga warramay asbaaba xadhigiisa.
Qoraa Siciid, ayaa tallaabada mudda saddexda bilood ah xorriyadiisa lagaga haystay eedeedda dusha ka saaray masuuliyiinta wasaaradaha Duulista hawada iyo madaxtooyada, kuwaas oo uu sheegay inuu qoraallo xaqiiqda ku salaysan ka sameeyey, “Xadhigayga waxaa masuul ka ahaa masuuliyiinta wasaaradaha Duulista iyo Madaxtooyada, waxana laga gubtay maqaallo aan xaqiiqada kaga hadlay iyo dhibaatooyin wasaaradda Duulista ka dhacay xilligii uu masuulka ka ahaa wasiir Maxamuud Xaashi” ayuu yidhi Siciid Maxamuud Gahayr.
Mar uu ka hadlayey waxyaabaha qoraallada lagu haystaa salka ku hayeen, ayaa waxa uu yidhi,“waxan iftiimiyey in wasaaraddii duulista laga dhigay madal qabyaaladeed oo wax badan oo qalad ahi ka muuqdaan oo dad badan oo ganacsato ah lagu naas nuujiyo.”
Qoraa Gahayr, ayaa sheegay in kiiskii loo haystay la xidhay, waxana uu si weyn ugu mahadnaqay cid kasta oo helitaanka xorriyadiisa ka qayb qaadatay,“kiiskaygii waa la xidhay, runtana ka tanaasuli maayo oo xaqa waan sheegi doonaa. Bulshaduna si buuxda ayey ii taageereen waanan uga mahadnaqayaa.” Ayuu yidhi Siciid Maxamuud Gahayr.