“Maxaa Mar walba Mideeya Aragtida Xisbiga WADDANI Iyo Diidmooyinka Saraakiisha Maamulka Muqdisho Xilalka Ka Haya?”
Hargeysa (Hubaal) – Diidmadii lama filaanka ahayd ee hoggaanka xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI kaga hor yimaadeen heshiiskii dhinaca horumarinta dekedda Berbera ee dhawaan xukuumadda Somaliland la saxeexatay shirkadda DPW, ayaa fajac iyo u qaadan waa ku noqday shacabka reer Somaliland oo heshiiskaas u arkay fursad aan taariikhda hore loo helin oo haatan soo gashay gacantooda. Diidmada xisbiga WADDANI, ayaa waxa ay noqotay mid xoojisay, isla-markaana garab siisay maamulka Muqdisho oo iyaga laftoodu si adag uga horyimi heshiiskaas, waxana ay shacabku marag ka noqdeen hoggaanka WADDANI iyo wasiirro katirsan maamulka Muqdisho oo si midaysan udiidaya heshiiskaas. Shacabka reer Somaliland, ayaa markali ah ku war helay diidmooyin is barbar socda oo ka kala yimi hoggaanka WADDANI iyo waliba wasiirro xilal ka haya maamulka Muqdisho xilli ay ku naaloonayeen neecowda farxad ay ka dhaxleen heshiiska lagu horumarinayo dekedda Berbera oo loo arko mid mustaqbalka dhaw horseedi kara ictiraaf caalami ah oo Somaliland hesho. Aragtiyaha isku dhaw ee xisbiga WADDANI iyo maamulka Muqdisho ka bixiyeen heshiiska dekedda Berbera lagu hor marinayo, ayaa shacabka geliyey shaki ah in dhinacyadaasi leeyihiin xidhiidh hoose oo qarsoon iyo waliba inay si iskumid ah cadow ugu yihiin horumarka Somaliland, isla-markaana ay dhan ka yihiin tallaabo kasta oo dadka iyo dalkaba dani ugu jirto. Kadib markii wasiirka dekedaha iyo Gaadiidka Somalia u qaabilsan Md Nuur Faarax Xirsi uu diidmo kala horyimi heshiiska marsada Berbera lagu hormarinayo, ayaa waxa markiiba mikrofoonada boobay saraakiil katirsan xisbiga WADDANI, kuwaas oo iyaguna luuqadii wasiir Nuur mid la mid ah kaga horyimi heshiiskaas, isla-markaana shacabka tusay sawirro ka duwan kuwa dhabta ah ee heshiiskaasi yeelan leeyahay. Diidmooyinka midaysan ee maamulka Muqdisho iyo hoggaanka xisbiga WADDANI kaga horyimaadeen heshiiska marsada Berbera lagu horumarinayo, ayaa waxa ay shakiga ka saarayaan tuhunno hore loo qabay oo salka ku hayey xidhiidh hoose oo uu xisbigaasi la lahaa maamulka Muqdisho, iyadoo laga wada warqabo in xubno miisaan ku dhex leh maamulkaasi xidhiidh dhaw la leeyihiin xisbiga WADDANI. Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka ee maamulka Muqdisho Md. Nuur Faarax Xirsi oo Hargeysa urur lagu magacaabi jirey GURMAD Ka aasaasay isla wakhtigii lagu dhawaaqay xisbiga WADDANI, ayaa muddo kooban ka dib Muqdisho ka degay isla-markaana wasiirnimo la siiyey, iyadoo taasina calaamatu-su’aal ku keentay xidhiidh dhaw oo WADDANI iyo Muqdisho ka dhexeeya. Sidoo kale garyaqaankii guud ee Somaliland, Md Ibraahim Iidle Saleebaan oo isaguna kasoo jeeda isla beesha guddoomiye Cirro, ayaa dhawaan loo magacaabay guddoomiyaha maxkamadda saree e Somaliya, taas markale abuurtay shaki laga qabo xubno uu guddoomiye cirro kamid yahay sida ay uga dhab tahay mabda’a Somaliland-nimadu, maadaama siyaasiyiin badan oo ay isku beel yihiin si fudud xilal uga qabteen maamulka Muqdisho. Ma aha markii ugu horraysay ee xisbiga WADDANI uu la aragti noqdo siyaasiyiinta xilalka ka haya ee maamulka Muqdisho oo la wada ogsoon yahay inay cadow ku yihiin Somaliland, waxase jirtey marar badan oo ay labada dhinac aragtiyo isku mid ah kaga horyimaadeen horumar Somaliland u soo kordhay, balse shacabku taas waa ay ka dheregsan yihiin oo kama qarsoona.