Xafiiska Dawladda Turkiga Ee Hargeysa Waa Qunsuliyad Laga Maamulo Muqdisho…Warbixin

0
31

Somaliland: “Turkigu dhex-dhexaadiye kama aha Wadahadalada Soomaaliya”

Hargeysa(GNA/Hubaal)-Somaliland ayaa markii u horaysay caddeysay inaanay dawladda Turkigu dhexdhexaadiye ka ahayn Wadahadalada u dhexeeya Soomaaliya, laakiinse doorkiisu ay tahay fidinta gogosha lagu wada hadlayo.

Sidaas waxa daboolka ka qaaday Wasiirka Wasaarada Arrimaha Dibada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo Salaasa Maanta warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa, kaddib Shir ay wada yeesheen Asxaabta Siyaasadda iyo Guddida wadahadalada u qaabilsan Soomaliland.

wadahadaladaWasiirka Khaarajiga Somaliland waxa kale oo uu sheegay inay dhawaan u ambo bixi doonaan Dalka Turkiga halkaasoo sida uu sheegay laga sii ambo-qaadayo wada-xaajoodka u dhexeeya Dawladda Soomaaliya.

“waxaan caddeynayaa Dawladda Turkigu dhex kama aha wada hadalada. Laakiinse goobta lagu hadlayo ayuunbay iyadu noo diyaarisay, waxa  wada hadlayaa waa Somaliland iyo Soomaaliya oo qudha oo cid u dhexaysaa aanay jirin.” Ayuu yidhi Maxamed Biixi.

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo horaantii todobaadkan ka hadlay arrinta wada hadalada, ayaa dawladda Turki ku eedeeyay inaanay dhexdhexaad ka ahayn wada-xaajoodka u dhexeeya Muqdisho iyo Hargeysa, waxaanu tilmaamay in Turkigu u xaglinayo dhinaca Soomaaliya. Isagoo geesta kalena ku dhaliilay xukuumadda sii wadida wada-hadallo aan dhexdhexaadiyeyaal caalami ahi wehelin labada dhinac.

Shacbiga reer Somaliland ayaa badankoodu aaminsan inay Xukuumadda Ankara dhexdhexaadiye ka tahay arrinta wada-hadalada, taasoo abuurtay dareen bilihii dambeeyay u muuqday diidmo ka dhan ah Turkiga lagaga biyo diidsanyahay kala duwanaanshiyaha qaabka diblomaasiyaddeed ee uu ula macaamilo labada dawladdood.

ERDOGAN_SilanyoTurkiga ayaa dabayaaqadii sanadkii hore xafiis ka furtay Caasimada Somaliland. Xafiiskaas ayaa dadka arrimaha Diblomaasiyada ku xeel-dheeri u arkaan Qunsuliyad hoos-tagta Safaarada Dawlada Turkigu ku leedahay Muqdisho. “Safiir Maahee waa Qunsuliyad laga maamulo Muqdisho” sidaas waxa GNA u sheegay Khabiir wax ka qora arrimaha Siyaasada.

Geesta kale,  marka la eego arrinta wadahadalada, lama saadaalin Karin natiijada ay labada dhinac ka gaadhi doonaan ajandeyaasha aan wali badka la soo dhigin ee ku saabsan Siyaasadda iyo xidhiidhkooda Mustaqbalka. Hase-ahaatee  xukuumadda Somaliland oo aanay Shacbigeeda iyo asxaabta Mucaaridku toona la dhacsanayn sii socoshada dooda qabyada ah, ayaa ku dhegsan wada-xaajoodka. “Wadahadalada waanu wadaynaa ilaa aanu natiijo laga gaadhi waayo, wakhtigay doonto hanagu qaadatee, waayo waxaanu u aragnaa inuu masiirkii umaddu halkaa ku jiro”sidaas ayuu caddeeyey Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis Salaasada Maanta.

Sidoo kale, waxa uu sheegay inay Xisbiyada Mucaaridka si joogto ah ugala tashan doonaan arrintan, isla markaana mar walba wixii ka soo baxa Kulamada Mustaqbalka ay u gudbin doonaan, si uu meesha uga baxo shakiga Maxaliga ahi.

Laakiinse inkastoo uu sidaas Wasiirku sheegay, waxa ay Xisbiyada Mucaaridku xilligan ku dooddayaan in la hakiyo Wada-hadalada, maadaama xilli doorasho waddanka ku soo fool-leedahay, oo uu isbedel siyaasaddeed iman karo.  Waxaanay taasi muujinaysaa ismaan-dhaaf u dhexeeya labada dhinac oo aad loogu kala durugsanyahay arrinta wadahadalada Soomaaliya iyo Somaliland ee sanadkii saddexaad galay.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here