Xafiiska Diblomaasiyada ee Itoobiya ku leedahay Hargeysa oo joojiyey Bixinta fiisooyinka+Dawlada Itoobiya oo xidhay Xafiiskii socdaalka ee ay ku lahayd Wajaale iyo dadweyne halkaas ku go’doomay.

0
27

Hargeisa-(Hubaal)-Warar rasmiya oo Warfidiyeenka Qarannews goor dhaweyd ka helay ilo wareedyo xogogaala ayaa tibaaxaaya in dawlada Itoobiya xidhay xafiiska socdaalka ee ay ku lahayd magaalo xuduudeedka Wajaale halkaas oo sida la sheegay ay ku cadiban yihiin Dadweyne doora oo safaro xagga dhulka ah ku tegi lahaa Itoobiya.

ethiopia and somaliland

Xogguhu may faahfaahin sababta Rasmiga ah ee Itoobiya u xidhay  xafiiska socdaalka ee ay Wajaale ku lahayd,ku darsoo waxay safaarada Itoobiya ku leedahay Hargeysa hakisay bixinta fiisooyinka dhawrkii maalmood ee u danbeeyay.

Geesta kale xoggo dheerada oo Qarannews ka heshay ilo kale oo la xidhiidha xidhitaanka xafiiska socdaalka ee itoobiya Magaalada Wajaale ku leedahay ayaa sheegaya in Itoobiya ka shakidey ciidamo RRU u badan oo maalmihii u danbeeyay lagu daadguraynaayey Gobolka Gabilay iyo degaamo la xidhiidha iyadoo Itoobiya ka shakidey waxa ciidamadaasi meesha la gaaf-wareegayaan ama ka badhayaan,inkastoo xoggo kale sheegeen in ciidamadaas meesha loo geeyay si loo baajiyo socdaal la filaayey in Muuse Biixi Sabtidii Gabiley ku tago.

Xigasho Qaran

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here