Xafiiska Nabad-sugida Soomaaliya Oo Hotellada Muqdisho Ku Soo Rogtay Awaamiir Saamaynaysa Macaamiishooda

0
37

Muqdisho  (Hubaal-W/wararka)- Hay’adda nabad sugidda Somalia (NISA) ayaa soo saartay amarro lagu soo rogay hotellada ku yaala magaalada Muqdisho. Hotellada ayaa lagu amray inay ilaaliyaan ammaankooda, sidoo kalena culays la saaro cid kasta oo Hotelladooda soo galaysa.

Kulan dhexmaray mulkiilayaasha hotellada iyo madaxda hay’addaha ammaanka u qaabilsan Somalia ayaa la iskula afgartay adkaynta ammaanka. Kulankan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa; wasiirka amniga gudaha, C/risaaq Cumar Maxamed iyo agaasimaha nabadsugida , Jen. C/raxmaan Maxamed Tuur Yare, saraakiisha amniga iyo milkiilayaasha hoteellada Muqdisho.

qaraxii muqdisho

Markii kulanku soo dhammaaday ayaa laga soo saaray war-saxaafadeed ku saabsanaa amarro cusub oo amniga hoteellada lagu sugayo, kaddib markii ay korodhay weerarada Al-shabaab muddooyinkii u dambeeyay la beegsanayeen hoteellada Muqdisho. Waxaa ugu dambeeyay weerarkii hotel Saxafi oo dad badani ku dhintay.

Qodobada ka soo baxay Hay’adda NISA:-

  1. Hoteel walba waa inuu Sameeyaa Labo Kantorool Baaxadda u dhaxaysa Kantoroolka Koowaad iyo kan Labaad oo ah Albaabka laga soo galayo,waa in uu yahay Masaafo dhan 100 Mitir.
  2. Waa in Hoteel walba uu sugaa Amniga 200 oo Mitir oo isku Wareeg ah oo ku Hareereysan Hoteelka.
  3. Dadka Degaya Hoteelka waa in laga hayaa Koobi Baasaboor Ama Aqoonsi u dhigma.
  4. Qof kasta oo soo booqanaya Muwaadin degan Hoteelka waa in laga Qoraa Qofka uu soo booqanayo,Qofkasta oo ka soo Shaaheynaya Hoteelka ama u soo sheeko Doonanaya waa in laga diiwaan galiyaa ID CARD uu wato Ama Magaciisa la qoro.
  5. Shaqaalaha Hoteelka ka shaqeynaya waa in laga Diiwaan Galiyaa Xarunta NISA ee Degmada uu ku yaal Hoteelkaas,lana mariyaa Baadhitaan Amni Shaqaale walba,waxii Caawin ah oo ay u baahdaana waxaa ay la soo Xadhiidhi karaan Hay’addaha Amniga.
  6. Hoteel waliba Amniga Muwaadiniinta degan waxaa lagala Xisaabtami doonaa Milkilaha Hoteelka.
  7. Hoteel Walba waa inuu leeyhay Qalabka Casrigaa ee Gaadiidka iyo Dadka.

Ugu dambeyn, waxaa lagu amray hoteelkii buuxin waaya sharuudaha kor ku xusan inaanu  shaqeyn kari

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here