Xafiiska Ra’iisal-Wasaaraha Itoobiya Oo War Ka Soo Saaray Kulankii Labada Hoggaamiye Dhexmaray

0
13

Addis Ababa(Hubaal):-Xafiiska Raysal wasaaraha dalka Itoobiya ayaa war ka soo saaray kulan shalay dhexmaray madaxweyne Muuse Biixi iyo raysal wasaare Dr. Abiy Ahmed. Warka ka soo baxay xafiiska raysal wasaaraha Itoobiya ayaa lagu caddeeyey qoddobo ay labada mas’uul kaga wada hadleen kulankooda iyo waxyaabaha ay isla qaateen. warka ka soo baxay xafiiska raysal wasaare Abiy Ahmed ayaa lagu yidhi “Labada dhinac waxay falanqeeyeen oo ay isku raaceen qodobo muhiim ah oo ay ku jiraan kor u qaadida xidhiidhka ka dhaxeeya labada shacab, hubinta wanaaga dadka Itoobiyaanka ah ee ku sugan somaliland iyo in laga wada shaqeeyo nabada iyo deganaanshaha.”

Warka ka soo baxay xafiiska raysal wasaaraha Itoobiya ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay waxyaabaha uu madaxweyne Muuse Biixi kala hadlay Dr. Abiy Ahmed. “Madaxweyne Muuse Biixi waxa uu qiray in talaabooyinka uu qaaday raysal wasaare Dr. Abiy ee ku saabsan isbadalada gobolka, isla markaana soo jeedinta raysal wasaaraha ee la xidhiidha in la xoojiyo wada shaqayn dhexmarta Somaliland iyo dawladda federaalka ah ee soomaaliya.” Sidoo kale warka ayaa lagu sheegay in hore loo gaadhay heshiisyo ogolaanaya in mustaqbalka la wada hadlo.

Raysal wasaaraha Itoobiya iyo madaxweynaha somaliland ayaa sidoo kale warku sheegay inay ka wada hadleen isticmaalka dekeda Berbera iyo xidhiidhada kale ee dhinaca dhaqaalaha ee u dhaxeeya Hargeysa Iyo Addis Ababa

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here