Xafiiskii xisbiga KULMIYE Ee Gobalka Togdheer Oo Dhaqaalo xumi u xidhmay

0
49

Burco (Hubaal) Xafiiskii Xisbiga Kulmiye Ee Magaladda Burco ayaa Maalmihii u Danbeyayba ahaa Xafiis Albabada Loo Laabay iska Markaasna Gabi ahaanba Laga Xidhay Xafiiskasi Masuuliyinta Xisbiga Kulmiye iyo Waliba Tagerayasha Kulmiye Ee Gobalka Togdheer,

Ilo Wareedyo Lagu Kalson Yahay ayaa Warbaahinta u Shegay in Xidhitanka Xafiiskani ay Sabab u Tahay ka Dib Markii Uu Xisbiga Taladda Haya Kulmiye iska Bixin Kari Waayay Lacagtii Kirada ahayd Ee Laga Qaadi Jiray Gurigaasi u Kiraysnaa Xisbiga Kulmiye,

kulmiye-office
Xafiiska Xisbiga Kulmiye Ee Gobalka Togdheer Oo ku Yaalay Xaafada Afgooye ayaa Waxa Gabi ahaanba Gurigaasi Laga Masaxay Astaanta Rinjiga Xisbiga Kulmiye Waxaana Aqalkii Kulmiye Xafiiska u ahaa Wakhti Xaadirkani Laga Dhigay Cisbitaal Tagerayasha Xisbiga Kulmiye Ee Gobalka Togdheer ayaa iyagu Maalmihii u Danbeyayba iswaydinayay Sababta Keentay in Xisbiga Kulmiye Oo Dhalay Xukumada Silanyo Ee Taladda Haysa ay iska Bixin Kari Waayeen Lacagtii Kirada Ee Aqalkaasi,Maadama Oo Xubno ka Tirsan Golaha Wasiiradu ay Malayiin Doolar Caalamka Kaga Soo Qaatan Mashariic Horumarineed Kuwaasi Oo ay inta Badan Musuq-Masuqaan isla Markaasna Aan la Garanaynin Meel ay Maraan Lacagahaasi,

Waxaanay Tagerayasha Kulmiye Ee Magaladda Burco ay Talabadani ku Sifeyeen Mid Muujinaysa inay Difiicday Awoodii iyo Waliba Tageradii Xisbiga Kulmiye Ee Bulshadda Reer Somaliland.

Ugu Danbayntii Maaha Markii Ugu Horraysay Ee Albabada Loo Laabo Xafiiska Xisbiga Kulmiye Ee Gobalka Togdheer Waxaana Marar Kale Duwan Dhacday in Horre Looga Saaray Xisbiga Kulmiye Aqalkaasi ka Dib Markii Uu iska Bixin Kari Waayay Lacagtii Kirada Ee Gurigaasi.

Gobanimonews

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here