Xaflad Afur Ah Oo Uu Xalay Wasiir Ku Xigeenka Cusub Ee Arrimaha Dibeddu Kula Wareegay Xilka Wasaaradda

0
25

Hargeysa:(Hubaal)-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Maxamed Biixi Yoonis, ayaa xilalkii u kala wareejiyey Wasiir-ku-xigeenkii hore ee Wasaaraddaas Mawliid Maxamuud Ibraahim iyo Wasiir-ku-xigeenka Cusub Axmed Aadan Ismaaciil(kayse), iyadoo Munaasibadda Xil-wareejintana  lagu qabtay Xarunta Wasaaradaas. Munaasibaddan oo ahayd mis weyn loosoo agaasimay, isal-markaana ay kasoo qaybgaleen, Wasiirro, xildhibaanno, Safiirro,Salaadiin, Cuqaal, dhallinyaro, waayeel iyo marti-sharaf kale oo aad u tiro badani, ayaa la isku weydaarsaday Weedho u badnaa Dardaaran iyo sagootin loo jeediyey masuulka xilka wareejinayey, iyadoo Wasiir-ku-xigeenka Cusubna gacmo furan lagu soo dhaweeyey. masuuliyiinta xilka w arrimaha dibada loo kala wareejiyayUgu horrayn wasiir-ku-xigeenkii hore ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Haatanna ah wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha Md Mawliid Maxamuud Ibraahim oo madashaas ka Hadlay, ayaa ku dheeraaday horumarka ay samaysay wasaaraddu muddadii uu halkaas joogay, waxana uu hoosta ka xarriiqay inay maanta wasaaraddu taagan tahay heer ay wasaaradaha dhiggeeda ah ee caalamka la tartanto. Wasiir-ku-xigeenka Cusub ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Axmed Ismaaciil Keyse oo isaguna Halkaas ka Hadlay, ayaa sheegay inuu si weyn ugu faraxsan yahay in mar labaad madaxweynuhu usoo garto Xil uu muddo shan sano laga joogo ka hor wareejiyey, waxana uu si weyn ugu mahadnaqay Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo). Axmed-keyse oo Xilkiisa madaxweynaha uga Mahadnaqaya, ayaa waxa uu yidhi,  “Waxan madaxweynaha jamhuuriyadda somaliland uga Mahadsanaqayaa Madaxweynaha Somaliland oo ii magacaabay xil aan wareejiyey muddo shan sano laga joogo, waxa kale oo aan madaxweynaha ku bogaadinayaa inuu magacaabay saaxiib Cabdirisaaq Maxamuud Saleebaan(mingiste)oo isagana loo magacaabay safirka Chine. Waxa kale oo aan madaxweynaha uga Mahadnaqayaa Baashe Cawil oo loo magacaabay safiirka imaaraadka.    “Muwaadiniin ayaanu nahay oo xaq ayaanu u leenahay inaanu xil ka qabanno qaranka, madaxweynuhuna dhag umuu dhigin War Xumo Tashiilka Lahaa  [Axmed-keyse & Mingiste]  Waa Mucaaridkii Ugu Adkaa Ee Qoraallada Samayn Jireen.” Sidaa ayuu yidhi Wasiir ku xigeenka cusub ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda, waxaana uu Intaas   raaciyay.”Waxaan leeyahay mucaaridka wax ka sheega xukuumadda iyo siyaasiyiinta kaleba ILAAHAY ha soo hadeeyo, wasaaradduna waa wasaarad ballaadhan oo qarankan uga wakiil ah inay qadiyadda somaliland beesha caalamka ka dhaadhiciso”  Wasiir-ku-xigeenka Cusub Axmed-keyse oo hadalkiisa sii wata, ayaa ku dheeraaday muhiimadda wasiirrada Arrimaha dibadda iyo dedaalladii wasiirradii soo maray ay u galeen sidii ictiraaf loo gaadhi lahaa, waxana uu yidhi,“wasaaraddani waxay u xilsaaran tahay inuu dalkani helo ictiraaf caalami ah, intii somaliland jirteyna afar xukuumadood baa soo maray, waxana wasaaradda soo maray 11-wasiir oo maxamed Biixi u dambeeyey oo dhammaantood karti iyo dedaalba geliyey sidii ay uga midho dhalin lahaayeen himiladeena, inkastoo aynaan ictiraaf haysanin, laakiin aduunku wuu inala macaamilaa, waxana aan ku rajo weynahay inaynu maalin uun gaadhi doono.”  Intaas kadib waxa  madasha soo gunaanaday, isla-markaana  hadallo kooban halkaas ka jeediyey Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Md Maxamed Biixi Yoonis, waxana uu si weyn ugu mahadnaqay Wasiir-ku-xigeenkii hore ee Wasaaraddaas Mawliid Muxumed Ibraahim, waxana uu uga markhaati kacay shaqo wanaag uu ku sifoobay muddadii uu wasaaradda joogay. Sidoo kale waxa uu si weyn usoo dhaweeyey wasiir-ku-xigeenka Cusub Mudane Axmed-keyse, isagoo ugu bushaareeyey inuu wada-shaqayn daacadnimo la taaban karo diyaar ula yahay. Ugu dambayntii waxa Halkaas uu wasiir Biixi xilkii ugu kala wareejiyey Wasiir-ku-xigeenkii hore ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Wasiir-ku-xigeenka Cusub, waxana Halkaas shahaado-sharaf lagu guddoonsiiyey Wasiir-ku-xigeenkii hore, iyadoo shaqaalweynaha wasaaradduna si weyn uga markhaati kaceen shaqo wanaag iyo hawlkarnimo uu muujiyey muddadii uu wasaaradda joogay.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here