Hargeysa (Hubaal) Xafladan oo ay ka soo qeybgaleen Gudoomiye ku xigeenka Gogalaha wakiilada, saddexda general ee sddexda ciiden Gaashaandhiga, Booliska iyo Asluubta, Musharaxa madaxweyne ee xisbiga Wadani, Gudoomiye ku xigeynka xisbiga Kulmiye, Guddoomiye ku xigeenka labaad ee xisbiga UCID iyo masuuliyiin kale oo badan.
Xafladan oo lagu soo xidhaayey hawshii kaadh qaybinta lixda gobal ee dalka oo kagu soo afmeeray labad gobol ee Sool iyo Sanaag.
Kaadhqaybintan oo ku dhamaatay guul u soo hoyatay bulshada reer somaliland waxa halkaas ka hadlay ugu horeyn Komisheneer Cabdifataax Ibrahim iyo Komishaneer Kaltuun Sh. Xasan oo si qoto dheer uga kala hadlay diiwaangalintii la soo dhameeyey, kaadh qaybintii hada soo dhamaatay iyo doorashada inagu soo fooda leh ee la qaban doono 13/09/2017. Halkaas oo Komishaneer Cabdifataax u soo jeedshay seddexda xisbi qaran in ay soo Gudbiyaan musharixiintooda.
Sidoo kale waxa digniino u soo jeedshay dhanka anshaxa ah saddexda xisbi qaran guddida anshaxa ee KDQ, oo uga digay xisbiyada in ay jabiyaan xeerka anshaxa ee loo sameeyey dhanka doorashada una duur xulay habkii ay u sameeyeen ama uga dhex olaleeyeen waqtigii kaadh qaadashada.
Sidoo kale waxa kalmado wax ku ool ah ka jeedshay goobta masuuiiyiinta saddexda xisbi qaran, Gudoomiyaha Jaamacada Hargeysa iyo xubno kale oo badan.
Ururada aan dowliga ahyen oo uu afkooda ku hadlayey SONSAF mudne Barwaani ayaa aad u sharxay kaalinta ururada aan dawliga aheyni kaga jiraan dhanka doorashooyinka iyo qaranimadaba, waxa kaloo uu hoosta ka xariiqay aragtida ay caalamku ka rajeynayaan in ay u dhacdo doorashada madaxtinimada somaliland, ugu dnbeyntiina kula dardaarmay bulshada in la taageero lana garab istaago sidii ay u dhici laheyn doorasho xor oo xalaal ah, ra’yi caalamkana aynu tusno biseylkeyna dooladnimo iyo hanaankeena wanaagsan ee aynu ugu kala dambeyno hawlaha qaranka.
Sidoo kale waxa halkaa qudbad taabanaysa wadaniyada, nabad galyada, tartanka doorashada iyo ilaalinta xeerarka doorashooyinka ka soo jeedshay halkaas guddoomiye ku xigeynka Golaha Wakiilada #somaliland isaga oo dhanka kalana ku amaanay komishanka doorashooyinka Qaranku sida wanaagsan ee ay u soo dhameystireen diiwaangalintii iyo kaadh qaybintiiba sidoo kalana ku hambalyeeyey sida ay u wadaan qabashada doorasho xor iyo xalaal ah.
Gabagabadii waxa dardaaran iyo digniino dhanka xisbiyada ah ka jeedsahay goobta Guddoomiyaha KDQ Eng. Cabdiqaadir Iimaan Warsame oo ku amaanay ciidamada qaranka, ardayda jaamacadaha, shirkadihii kala hawl galay diiwaan galinta iyo kaadh qaybintaba sida ay u garab istaageen una meel mariyeen hawshaas baaxada leh.
Gunaanadkii waxa uu gudoomiyuhu sheegay in dhamaan dhaqaalihii, agabkii iyo nidaamkii doorashaduba u dhantahay KDQ, kaliya laga rabo si doorasho xor iyo xalaali u dhacdo in gacmaha la is qabsado lagana ilaaliyo xagal daaca sharciyadana la dhooro laguna dhaqmo.