“Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimaya ayaa [Maanta] ka dhacday Magaalada Sallaxley” – W/Q: Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumaysiga Dr. Fuaad Cabdisalaan
“Waxaan maanta kormeer ku tagnay Dhismaha Dugsiga Farsamada Gacanta ee Ururka Haldoor ka hirgalinayo Degmada Maxamed Mooge; Waftigaas uu hogaaminayo Wasiirka Madaxtooyada Somaliland isla markaana ay ka mid ahaayeen Wasiirada Wasaaradaha Madaxtooyada, Maaliyadda, Xanaanalada Xoolaha, Safiirka Somaliland ee imaaraadka, Agaasimayaasha guud ee wasaaradaha dalka Qaar ka mid ah, Salaadii, Cuqaal iyo Masuuliyiin kale.
Sidoo kale Waftigan waxay u Ambobaxeen Banka Qoolcadey iyagoo soo furey Mashaariic kala gadisan ee laga hirgaliyay Deegaanno ka hoos taga degmadda Sallaxley, sida Riig-biyoodka Qoolcaday oo si rasmi loo furay .
Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimaya ayaa ka dhacday Magaalada Sallaxley,
Waxaana halkaasi laga jeediyay khudbado kala duwan kuwaas oo ku qotomay mashaaricaha kala gadisan ee laga hirgaliyay Deegaannada Hoos taga Sallaxley .
Ugu danbeentii Ururka Haldoor ayaa shahaadooyin gudoonsiiyay Wasiirada kala ah, Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi, Wasiirka Xanaanada Xoolaha C/laahi Cukuse, Wasiirka Maaliyadda Somaliland Mudane Samsam Cabdi Aadan .
Allaa Mahad Leh
Agaasimaha Guud Ee WK & KHB
Fuaad Cabdisalaam Xasan