Xaflada Meherka Inanta Siilaanyo Oo Caawa Lagu Qabanayo Madaxtooyada Oo Boqolaal Kun Oo Dollar Lagu Kharash Gareeyay

0
42

Boqolaal Dhalinyartii Dalka Oo Maalin Walba Jidka Tahriibta Ku Dhimanaya

Munaasibadan Oo Lagu Bixinayo Inan Uu Madaxwayne Siilaanyo Dhalay Ayaa Lagu Casuumay Qurbo Joog Tigidhadooda Iyo Huteeladooda-Ba Madaxtooyadu Bixisay

Hargeysa,(Hubaal) – Xili uu libaax badeedkii ku noolaa badda u dhaxeysa xeebaha Liibiya iyo dalka Talyaanigu uu ka dhargay hilibka dhalinyaradda reer Somaliland ee iyagoo shaqo la’aanta iyo saboolnimada ka cararaya ay laashashkii ay naftooda ku biimeeyeen badda kula qaraq-meen, ayaa madaxwaynihii dalkoodu waxa uu habeen danbe ku qabanayaa madaxtooyadii wadanka caynkaas ah looga talinayey xaflad meher ah oo ku kacaysa kharash lagu qiyaasay boqolaal kun oo doolar oo laga bixinayo cashuurta ay dawladu ka qaado dadka danyarta ah ee reer Somaliland.

siilanyo-xaflad

Xafladan oo lagu bixinayo inan uu dhalay madaxwayne Siilaanyo ayaa waxa lagu marti-qaaday dad tiro badan oo ay ka mid yihiin qurbo-joog laga soo casuumay dibadaha oo madaxtooyadu bixinayso kharashka tigidhadooda iyo huteeladooda, kuwaas oo ilaa maalmahanba ka soo degayey madaarka Hargeysa.

Xafladan oo qaban-qabaneeda ay dawladu bil dhan ku mashquulsanayd ayaa waxa diyaargarawgeedii alaab badan looga dalbay dibadaha, waxaana u danbeeyey kaadhadhkii oo shalay uu Imaaraadka ka keenay wiilka uu sodoga u yahay madaxwayne Siilaanyo ee Baashe Cawil, kaas oo todobaadkii uu joogay dalka Imaaraadka ku jiray hotel habeenkii lagu seexdo ( $1,500 (kun iyo shan boqol oo doolar).

Madaxwaynaha iyo qoyskiisa waxa ku haboonayd iyagoo ixtiraamaya shucuurta ummadda ay hantidooda gacanta ku hayaan inay xafladan meherka inantooda ka dhigaan mid aan Is-raaf iyo ka bad-badini ku jirin, laakiin waxay taas ka doorbideen inay noqoto tusaale aad u xun iyo kibir aan qarsoodi lahayn taas oo ina tusaysa caqliga caa’iladda meesha ka talisaa heerka uu taagan yahay.

silanyo-iyo-tahriibka-300x125

Madaxtooyadda Somaliland ayaa waxa hore loogu qabtay laba arroos oo mid dhacay xiligii madaxwayne Cigaal ka kalena xiligii madaxwayne Rayaale, waxaanna xusid mudan in labadaas munaasibadood loo qabtay laba xafladood oo kooban, isla markaana dalka kamay jirin huteelo waawayn oo xafladaha lagu qabto wakhtigaas, labadda lamaane ee arrooska iyo aroosadda ahaana midkoodna kamuu mid ahayn caa’iladda ama qaraabada labada madaxwayne ee ku sharfay inay xafladda arrooskooda ugu qabtaan madaxtooyadda dalka.

Arrooska hore oo madaxtooyadda ku qabsoomay badhtamihii 90-maadkii ayaa waxa uu ahaa arrooskii wasiirkii hore ee arrimaha dibadda C/laahi Maxamed Ducaale oo xiligaa ahaa wasiirka madaxtooyadda Somaliland, halka xafladda 2-aadna ay ahayd arrooskii Alle haw naxariistee abwaan Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye) oo ay marti-qaadkiisa lahaayeen madaxwayne Rayaale iyo marwadiisa Hudda Barkhad, milxiisna uu ka ahaa mujaahid Maxamed Kaahin Axmed.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here