Xalay oo ay taariikhdu ahayd 15kii Julaay 2016 waxa xafladda si heersare ah loo soo agaasimay oo ay iska kaashadeen maamulka, macallimiinta iyo ardayda kulliyadda caafimaadka ee jaamacadda Hargeysa ay ka qabsoontay hudheelka Maansoor. Xafladdan oo ujeeddadeedu ahayd in lala wadaago farxadda iyo raynraynta dufcaddii toddabaad ee ka qalin jabinaysay kuliyadda caafimaadka ee jaamacadda Hargeysa.
Hordhac
Halkan waxa aan ku soo gudbindoonaa qayb ka mid ah hadalladii ay ka yidhaahdeen madasha qaar ka mid ah muusilyiintii ka soo qayb gashay xafladda oo iskugu jiray dhakhaatiir iyo madax kale.
Afeef
Ugama jeedo dhaliil iyo ceebayn. Waxa aan ixtiraam u hayaa dhammaan masuuliyiinta aan hoos magacyadooda ku sheegi doono. Dhammaan waa dad bulshada ku dhex leh haybad, qaddarin iyo xushmayn, mansabka iyo kaalinta ay bulshada u hayaan daraaddeed.
Ujeeddo
Halkan waxa aan ku muujinayaa dareenka ay qabeen qaybka mid ah ardayda iyo waalideenta ka soo qayb galay xafladda.
Hadafka iyo ujeeddada laga lahaa qabasha munaasibaddan waxa ay ahayd in dhiirri gelin iyo maamuus looga dhigo ardayda ka qalin jibay kulliyadda caafimaadka oo dhabar adayg iyo tacab badan u soo galay si ay halkaa u soo gaadhaan. Muddo toddoba sano ah ayey ku soo jiraan dadaal iyo juhdi badan si ay bulshada uga caawiyaan qaybaha kala duwan ee caafimaadka.
Maadaama oo ay ahayd madal lagu gardaadinaayey dhakaatiir da’ yar ah oo bulshada ku soo korodhay, waxa ka soo qayb galay badi masuuliyiinta caafimaadka ka Soomalilaand, dhakaahiirtii/macallimiintii muddada wax soo baraysay ardaydan(dhakhaatiirta cusub), hormoodka kulliyadda caafimaadka jaamacadda Hargeysa, maamulka sare ee jaamacadda iyo guddida guud (board) ee jaamacadda.
Qaabkii ay xafladdu u dhacday
Ugu horrayn, waxa madasha ka hadlay hormoodka kulliyadda caafimaadka ee jaamacadda Hargeysa Dr Diirie Ismaaciil Ereg. Hanbalyo iyo bogaadin uu ardayda qalin jabinaysa udiray kaddib, waxa uu xusay marxaladihii kala duwanaa ee kulliyadda caafimaadku soo martay qaabkii loo furay iyo hadda halka ay marayso. Sidaa si la mid ah, Dr Axmed Cabdi Oday oo kaalin laxaadle ku lahaa aasaaska kuliyadda ayaa isna arrimo badan ka xusay kulliyaddan iyo hannaankii loo soo waday majarraheeda.
Qaybka mid ah hadalladii la is weydaarsaday
Dr Faadumo Xaashi Iiman (Bare Sare oo ka tirsan jaamacadda Hargeysa ahna faraadin ka hawlgasha dhakhtarka guud ee Hargeysa iyo goobo kale): Waxa waddankeenna buux dhaafiyey dhakhaatiir ajaanib ah oo aanay intooda badani lahayn aqoon dhaafsiisan tan ay dhaatiirteennu leeyahiin.
Dr Maxamed Xaashi Oday ( guddoomiyaha ururka mihnad layaasha caafimaadka Soomaalilaand): Wey jiraan dhakhtiirtaa ay Dr Faadumo xustay, laakiin intii aan xafiiska joognay wax badan ayaan dib u eegis ku samaynnay, qaar waddanka waan ka saarnay. Caqabado badanna wey na soo foodsaareen. Ma lihin awood fulineed oo aan waddanka kaga saarno. Qaar aan amar ku bixinnay in la mastaafuriyo ayaa xataa dhakhtar ka guud ee Hargeysa ka shaqeeya.
Dr Sacad Cali Shire ( Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, guddoomiyaha guddida guud ee jaamacadda Hargeysa) : Marka la inoo eego dunida kale waxa aan u baahanahay 8000 oo dhakhtar, halka hadda laga yaabo inaan haysanno illaa 300 oo da’ yar dhakhaatiir cusub ah oo ka soo qalin jabisay jaamacadaha kale duwan ee waddanka.
Gorfayn
Waxa xaqiiqa ah in maalinba maalinta ka danbaysa ay sii tiro badanayaan dhaatiirt ajaanibka ah ee waddankeenna imanaysaa. Dhakhaatiirtan ajaanib ka ahi intooda badani kuma yimaaddaan qorshe dowladeed iyo baahi caafimaad oo waddanka ka jirta. Balse waxa ay ku yimaaddaan oggolaansho iyo heshiis ay la galaan qaybo ka mid ah bulshada oo leh goobo caafimaad oo ay iskood u maamushaan. Marka laga tago in guddoomiyaha ururka mihnadlayaasha caafimaadku ka cudur daartay inaanay lahayn awood fulineed, taageerana aanay ka helin laamaha kala duwan ee dowladda, waxa marag madoon ah in ay bulshadu ku hungoobayso qaybo badan oo ka mid ah dhakhaatiirta waddanka ka hawl gasha ee aan tayadooda aqooneed la hubin.
Dhinaca kale, da’yarta baratay qaybaha kala duwan ee caafimaadka ee ka soo qalin jabiyey jaamacadaha waddanka iyo kuwa dibadduba mudnaan weyn kuma dhex laha bulshada. Ma jiro qorshe iyo nidaam ay wasaaradaha ay qusaysaa sida Wasaaradda Waxbarashada iyo Wasaaradda Caafimaadku ay ugu talo galeen dhallinyarada muddada tobanka sanno ku dhow ummadda wax u soo baranayey. Hadda oo tirada dhakhaatiirta aan haysanaa aanay weli inagu filnayn sida uu wasiir Sacad sheegay, nasiib darro tiradaa yare ee aan haysannaa ma helaan dhaqaale dowli ah oo ay kaga kaaftoomaan in ay tagaan goobo gaar loo leeyahay.
Guntii iyo gabagabadii, dhammaan masuuliyiintii goobta ka hadashay waxa ay ka dhawaajiyeen in ay tabayaan kaalintii dowladda ee goobaha caafimaadka, gaar ahaan Wasaaradda Caafimaadka iyo Wasaaradda Waxbarashada. Waxa xusid mudan in kulliyadda caafimaadka ee jaamacadda Hargeysa lagu aasaasay talo ka timid dhakhaatiirta illaa hadda gacanta ku haysa, intooda badanina mutadawacnimo ay uga shaqeeyaan.
Cabdixakiim Maxamuud ( Ubaxle)
ubaxlemaxamed@gmail.com