Qalinkii: Abdikadir Mohamed Ibrahim
Somaliland Sanad walba bisha September waxaa guud ahaan jamacadaha Somaliland ka dhaca qallin, Dhamaan ardayda ka qayb qaadata qalin jabinta waxay soo xidhaan Dhar dhaadheer iyo koofiyado caan ku ah ardayda jaamacadah ka baxa oo loo yaqaan gowns hadaba XAGEE TAARIIKH AHAAN KA SOO JEEDAAN DHARKA DHAADHEER IYO KOOFIYADA LA XIDHO WAKHTIGA QALIN JEBINTA JAAMACADAHA
qarniyadii 12aad iyo 13aad oo ah wakhtiyadii ay jaamacaduhu bilaabmeen macalimiinta iyo ardeyduba waxay xidhan jireen dharka baadiriyaasha, markii la bilaabay jaamacadaha may laheyn dhisme u gaar waxaana dadka wax loogu dhigi jiray kiniisadaha maxaa yeelay wakhtigaas kaniisaduhu saameyn weyn ayey ku lahaayeen bulshada dhexdeeda, nimanka professors ah badan koodu waxay ahaayeen baadiriyiin.
dadka taariikhda waxa ka qora qaar ka mida waxay rumeysanyihiin in maryahan (gowns) loo qaadan jiray si ay ugu difaacaan qabowga daran ee wakhtigaas dhacayey.
dharkan oo markii dambe loo bixiyey academic dress waxa dhiiri geliyey “medieval universities” jaamacadihii ugu horeeyey ee la aqoonsanyahay ee sida rasmiga ah ugu dhawaaqay in la xidho dharkan wakhtiga qalin jebinta waxay ahaayeen (Oxford iyo Cambridge) hadaba sanadii 1321 ayaa laga mamnuucay dhar kale duwan in lasoo xidho wakhtiga lagu gudo jiro xaflada qalin jebinta waxaana keli la ogolyahayna waxay ahaayeen dharka (academic dress) si ay u sameeyaan midnimo (unity).
KOOFIYADA LA XIDHO WAKHTIGA QALIN JEBINTA JAAMACADAH.
sida la rumeysan yahay koofiyada ((mortarboard) waxa la isticmaalay qarnigii 15aad waxaana laga keenay koofiyadu loo yaqaanay “birettas” waana koofiyada ay xidhan jireen wadaada katoolika ah (Catholic clerics) iyo aqoonyahanooda, dad badan oo taariikhda koofiyada waxa ka qoray waxay rumeynsan yihiin in qaabka afargeeslaha ah ee koofiyadu ay ka turjumeyso qaabka ay u sameysantahay dhismaha jaamacada oxford sida sawirka hoose ka muuqata laakiin qaar kale waxay rumeysanyihiin in koofiyada afartagees (mortarboard) leh in ay ka timid mafacasta ( flat board) ay isticmaalaan nimanka wastaadiinta ah (bricklayers).
by Abdikadir Moxamed Ibrahim
tell 0634415327
email abdiqaadir300@hotmail.com