“Xal Looma Waayin Khilaafka Lixda Goobood Ee Xeebta”

0
45

Qalinkii: Xuseen Cabdi Cali (Badhaani)

xuseen badhaaniBal aan aragtidayda shaqsi oo ka madhan siyaasad iyo caadifad ba aan ka dhiibto Murranka iyo Khilaaf ka lixda goobood ee degaanka xeebta. Aniga oo qoddob qoddob isku dultaagi doona guud ahaan arinta.

Maxaa loo Xayiray Lixda Goobood ?

Cahdigii AHN Madaxweyne Cigaal ayaa goobahan xayiraad la saaray, Xayirraada la saarrayna waxaa sabab u ahayd isla markaana goobahani halkay Maamul ahaan raacayaan, iyo gobbolka ay hoos tagayaan, laakiin arrintu xayiraadu may ahayn in deegaanka laftiisa la isku haysto.

Xaalada Bulshada Degaanka:

Beelaha Degan lixda tuullo oo ah (Sacad Muuse Waqooyi, Maxamed Case (Samaroon) & Ciise) hore ayey u shireen isla markaana ay iskula qaateen in goobahan xayiraada laga qaado oo la kala xadeeyo. waxay iswaydiiyeen Waar wali miyeynu qof kala dilnay seddexdeena beellood? Sowtan aynu hadh iyo habeen aynu wada joogno dhulkeena inaga oo Heshiis as maxay goobahani inooga xodhan yihiin? Uga dambayntii waxay codsi wadajir ah u gudbiyeen xukuumada iyaga oo ka codsaday in dawladu ay goobahan Kala-xadayso isla markaana ay Muwaadiniinta deegaankaasi xaqoodi ay helaan haday tahay Codbixin iyo Adeeg bulshaba.

Heshiiskii Xukuumada, Xisbiyada, & Komiishanka:

Marka uu arrinku halkaa marrayo ayaa Xukuumada, Xisbiyada & komiishanku oo uu hogaaminayo Madaxweyne Kuxigeenku ay kulmeen isla markaana waxa la isla qaatay :

  • In Lixda Goobood laga qaado xayiraada saaran.
  • In Wasaarada Arrimaha Guddahuna ay soo saarto KALA XADAYNTII 6 goobood.
  • in Diiwaangalinta Codbixiyeyaashana laga qabto, isla markaana ay ka dhacaan seddex Doorashooyin ba.

Maxaa Qaldamay:

  1. Waxaa qaldamay ee arrinka cuyubka u celiyey waxa weeyi Wasaaradii Arrimaha Guddaha ee ay ahayd in ay soo saarto KALAXADAYNTII 6 GOOBOOD, isla markaana ka gaabiyey inay ku dhawaaqdo Gobbolka ay hoostagayaan iyada oo loo raacayo xadkii lixdii Degmo ee JSL ay lahayd 1960kii sida ku cad Dastuurka JSL. Wasiir Warrancade oo sheegay inay si degdeg ah u soo saari doonnaan kala-Xadaynta 6 Tuulo Wali na wuu soo socdaa.
  2. Boogtii iyo nabar kii aan la sarin lana dawayn, oo aan Kala-xadayntii goobahan xayiran aan la soo saarin, ayaa hadana ay Wasaarada Daakhiligu waxay soo saartay go’aan ah in lixdii goobood laga qabto diiwaangalintii Codbixiyeyaasha, taasina waxay noqotay “ka dar oo dibi dhal”. Hada dadkii deegaankaa deganaa badankoodi waxay hore iskaga diiwaangaliyeen labad Degmo ee lughaya iyo Bulaxaar.
  3. Xaga Madaxdhaqameedka iyo Xildhibaanada TV yada ka qaylinayana ee labada dhinac ee Boorame iyo Hargeysana iskaga jawaabayana qaladbay wadaan.

Kooxda Boorame ka hadlayey qalad baa iiga muuqday qaladkaas oo ah inay arrinkii khilaafkaba ay leexiyeen waxayna ka dhigeen in reer uu ku soo duulay dhul ay labadaa reer ee kale ay lahaayeen, taasi oo ah marin habaabin, Waayo arrinka lagu muransan yahay waa “halkay lixdan goobood raacayaan maamul ahaan”, deegaankana seddexda reer ba way wada dagan yihiin wayna wada joogaan oo markii hore ba odayaasha 3 reer iyaga oo wada socda oo midaysan ayey dawlada usoo gudbiyeen codsiga ah in 6 goobood laga qaado xayiraada isla markaana ay dawladu kala xadeyso.

Kooxda Hargeysa ka hadlayeyna qalad baa ka muuqday qaladkaas oo ah inay arrintii khilaafku ka taagnaa ee ahayd (Gobolkeebay raacayaan 6 goobood maamul ahaan) way iska indhotirayaan,  isla markaana ay kaga dhagtay Diiwaangalinta Codbixiyeyaasha hala geeyo goobaha Maroodijeex. Iyaga oo aan marnaba ka hadlayn arinta Kala-xadaynta lixda goobood. Labada Kooxoodba markay Shirarkooda Jaraaid ee ay Boorame iyo Hargeysa ku soo qabtaan, maalinta ku xigtaba waxay iskugu yimaadaan oo ay wada joogaan kana wada qoslaan hudheelada Hargeysa, kaliya waxay Xumaan iyo Caddaawad ay dhex dhigayaan bulshada deggan deegaankaa lixda tuulo oo aanay wax dhibaato ahi dhex oolin isla markaana ku suggan xaalada iyo duruufaha adag ee miyi, isla markaana wada jooga deegaan ka aradan kaabayaasha bulsho sida Caafimaad, Biyood iyo Waxbarasho ba.

Xalku Muxuu yahay?

Anniga fikir ahaantay arrinta waxan xalka u arkaa isla markaana aan ku talinayaa:

  1. In ay dawladu ay si buuxda u gasho arrinta, isla markaana ay Wasaarada Daakhiligu soo saartaa KALA-XADAYNTII lixdan goobood oo ay sheegaan halka ay Maamul ahaan raacayaan. Isla markaana ay xaliso khilaafka iyo halkay sartu ka qudhuntay.
  2. Inay dadka Madaxdhaqameedka iyo Siyaasiyiinta labada dhinac ee hadalada xanafta leh TV yada isku maraniyaa ay joojiyaan waayo AFXUMO NABADNA WAY KAXAYSAA COLLAD WAXBA KAMA TARTO. Isla narkaana ay ka waantoobaan xumaanta iyo naceyb ay kala dhex dhigayaan umadda Xiddidka iyo Xiggaalka ah, oo aanay haba yaraatee wax collaad ahi aanay dhex oolin.
  3. In Bulshada wada degta degaanada xeebtu oo ah Mahuraan isdhalay oo ilaahay isbaday, aanay u dhag dhigin Collaada ay hurinayaan ragga huteelada waaweyn ee Boorame iyo Hargeysa ku raaxaysanaya ee ay sidii dhaqanka u ahayd ay isku duubnaadaan. Hadal iyo dhamaan, waxaan ku soo gunaanadayaa oo aan leeyahay “Lixda Tuullo Xalkoodu Waa Kala-xadayn Maamul ee yaan la gees marin”

Allow Eex Ma Tiraabine

Aqoon haygu Caddaabin

Qalinkii: Xuseen Cabdi Cali (Badhaani)

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here