XANNUUNKA MACAANKA CARRUURTA YARYAR KU DHACA OO KU BATAY SOMALILAND

0
61

Shirkadda Telesom oo maalgelisay mashruuc tijaabo ah oo lagu daryeelayo carruurta xannuunka macaanka qaba + tiradda ubadka xannuunkaas qaba

 

Hargeysa (Hubaal)- Shirkadda Isgaadhsiinta ee Telesom, ayaa maalgelin ku samaysay mashruuc tijaabo ah oo loogu talogalay in lagu daryeelo carruurta la nool xannuunka macaanka oo muddooyinkii u dambeeyey aad ugu batay dalka Somaliland.

xannuunka-macaanka

Xaflad ay si heer sare ah u agaasimeen maamulka xarunta Caafimaadka Global Polyclinic oo lagu qabtay hudheelka Summer Time ee magaalada Hargeysa toddobaadkan, waxa ka qaybgalay  masuuliyiin ka kala  tirsan Shirkadda Telesom, Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Qoyska Marwo Shukri Xariir Ismaacil, Agaasimaha  Wasaaradda Dhallinyarrada iyo Ciyaaraha Md. Maxamed Xuseen Axmed Dhabeeye, Wakiilka Hay’adda Qaramadda Midoobay ee WHO Marwo Aasiya Cismaan, Agaasimaha Waaxda Shaqaalaha iyo Tabaradda Wasaaradda Caafimaadka ahna xubin ka mid ah boodhka Ururka Dhakhaatiirka Somaliland Dr. Ciise Cabdi Jaamac iyo masuul ka tirsan Dhakhtarka MAS.

Mashruucan tijaabadda ah oo lagu daryeelayo carruurta la nool cudurka macaanka, waxa iska kaashaday shirkadda Telesom iyo Xarrunta Caafimaadka Global Polyclinic, kaasoo adeegyo caafimaad iyo xannaano lagu siin doono 50 carruur danyar ah oo la nool xannuunka macaanka.

 

Madaxa Suuqgaynta iyo Xidhiidhka Dadweynaha ee Shirkadda Telesom Mr. Maxamed Cabdi Darbo, ayaa xafladaas ka sheegay in mashruucan tijaabada ee lagu daryeelayo 50-ka carruurta danyarta ah socon doono muddo hal sanno ah, kaasoo ay maalgelisay shirkadooda Telesom.

Madaxa Xarunta Caafimaadka Global Polyclinic Dr. Cabdirisaaq Yuusuf Cabdillaahi oo isna halkaas hadal ka jeediyey, ayaa ka waramay mashruucan iyo noocyadda adeegyadda ah loogu talogalay carruurta qaba cudurka macaanka, waxaannu yidhi; “Waxaan ugu bushaaraynayaa in shirkadda Telesom ay naga caawisay in carruurteena dawo loo helay muddo sannad ah, dawooyin bilaash ahna la siinayo. Runtii waxyaalaha kale ee aannu u qaban doono waxa ka mid ah in aannu baadhitaan u samayno, documenti u samayno iyo inaynu ogaano horumarka uu ilmuhu sannadkaa gudihiisa iska beddelay.”

Waxa kaloo Dr. Cabdirisaaq sheegay in qiyaas lagu sameeyey tiradda ubadka la nool xannuunka macaanka lagu ogaaday in carruur tiradoodu u dhexayso 1,200 (kun iyo laba boqol) ilaa 1,400 (kun iyo afar boqol) ay la nool yihiin xannuunka macaanka, isagoo xusay in xarrunta Caafimaadka Global Polyinic iyo shirkadda Telesom ay ka go’an tahay inay hiigsadaan siddii ay u gaadhi laayeen tiradda carruurta ah ee la nool xannuunkan macaanka.

Agaasimaha Qaynta Horumarinta Ganacsiga shirkadda Telesom Mr. Cabdisalaan Ismaaciil Nuur ayaa ka hadlay ujeeddada shirkadoodu ka leedahay mashruucan; waxaanu yidhi; “In aannu abuurno hal abuur cusub oo ah nooc bulshadeenu isku kaashato ah.  Waxaan rabaa in aan idhaahno maanta waxaannu kafaalo qaadnay dadkeenna buka qayb ka mid ah si bulshadeena inteeda kalena ay u bilowdo, maadaama dalkeenna cuduro badan ka jiraan, baahi badana ay dalka ka jiraan. Qoddobka labaad waxa weeye in aan tilmaamo in aannu bartimaadeed ka dhiganay dadka macaanku hayo, gaar ahaan carruurta waliba danyarta ah ee aan iska bixin karin dawooyinka iyo baahiya uu u baahan yahay xannuunkan, taasina waa in aannu dadkaas ka taageerno baahidooda.”

Masuuliyiintii xafladda furtinaanka mashruuca tijaabadda ah ee shirkadda Telesom maalgalisay ka hadlay waxa ka mid ahayd Wakiilka Somaliland u fadhiya hay’adda dhinaca caafimaadka u qaabilsan Qaramadda Midoobay ee WHO Marwo Aasiya Cismaan, waxayna u mahadnaqday shirkadda Telesom oo ay ku amaantay sida ay ugu babac dhigtay xannuunka Macaanka.

 

Waxay ka warantay dhibaatadda uu leeyahay xannuunka macaanka iyo sida ay u dhib badan tahay in lala tacaalo xannuunkaas, iyadoo talo u jeedisay dadka u istaagay in ay xannuunkan wax ka qabashadiisa gacan ka gaystaan. Marwo Aasiya Cismaan ayaa sidoo kale sheegtay in tababar la siiyo waalidiinta dhalay carruurta macaanka qaba si ay wixii gargaar degdega ee u ilmuhu u baahan yahay ay ugu qaban karaan.

Agaasimaha Waaxda Shaqaalaha iyo Tabaradda Wasaaradda Caafimaadka Dr. Ciise Cabdi Jaamac oo ku hadlayey afka Wasaaradda Caafimaadka, ayaa sheegay in taageero la garab taagan yihiin markasta cidda gacan ka gaysanaysa daryeelka carruurta qaba cudurka macaanka.

Waxa isaguna madasha ka hadlay Agaasimaha Guud ee Wasaarada Dhallinyarrada iyo Ciyaaraha Md. Maxamed Xuseen Axmed Dhabbeeya, kaasoo tilmaamay in cudurka macaanku xilligan la soo baxay wejiyo cusub, kuna dhacayo qof kasta yar iyo weynba, kuna nool miyi iyo magaalaba,  halka uu markii hore ku dhici jiray dadka waaweyn ee reer magaalka ah, isagoo ballanqaaday in Wasaaradda Dhallinyarrada iyo Ciyaaruhu xanaanaynayo xarrunta caafimaadka ee Global Polynclinic  ay ka caawin doona qalabka ciyaaraha oo uu sheegay in ciyaaruhu ay ka mid yihiin waxyaalaha xannuunkan lagula tacaalo.

Wasiir-ku-xigeenka Shaqada iyo Arrimaha Bulshadda Somaliland Marwo Shugri Xariir Ismaaciil oo gunnaanadkii xafladaas hadal ka jeedisay, ayaa ka warantay xannuunka macaanka iyo sida uu ugu baahsan yahay bulshadda qaybaheed kala duwan, waxayna xustay in xannuunkan ay qabaan ilmihii naaska jaqayey ilaa qofkii 80 jirka ahaa.

Waxa wasiir-ku-xigeenku ugu baaqday in bulshadu ka qaybqaataan sidii gacan looga gaysan lahaa dayreelka carruurta qaba cudurka macaanka, iyadoo si gaar ah fariin baaq ah ugu dirtay shirkadda laydhka oo ay ka codsatay inay qiimo-dhimis u sameeyaan qoysaska carruurtoodu qabaan cudurka macaanka, maadama dawadda macaanku ay u baahan tahay talaagad 24 saacadood shidan, laydhna isticmaasha.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here