“Xaqul Maa Rajacal Maa‏” Sheeko ku saabsan Yemen-tii reer Berbera ee waagii hore

0
56

Sheekadan manta waxay ku saabasantahay Yemantii Reer Berbera ee waagii hore

Waxa berigii hore joogi jiray magaalada berbera yemeniyiin iibiya biyaha qabaw

Waxaanay ku qaadi jireen bahal la odhan jiray jalxada iyo madiibado yar yar

Markaa waxay ku dhawaqi jireen maa.ul baarid maa.ul baarid marka biyaha laga iibsadoo

Waxay lacagata ku ridan jireen kiishad amma boorso yar oo dhinaca ugu xidhan

Hadaba nin yementaas kamid ahaa oo la odhan jiray Cabdoo Cali Cabdalla ayaa waxa uu biyihii

Ka ganacsadaba oo uu lacagtii kiishad ku ururiyaba waxa uu maalintii danbe damcay inuu Yemen u safaro

Dabeed waxa uu raacay dooni yar oo tabcaana dabeed doonidii ayaa markay dhexda maraysay qaraqantay Amma degtay hadaba sida loo yaqaano Cabdoo Cali Cabdalla ayaa waxa ku dhacday in markii doontu sii Qalibmaysay ee ugu horaysayba waxa badda kaga dhacday kiishaddii lacagta uu ku sitay calaa kuli

Xaal adigu doontii way degtay odaygii Cabdoo na waa lasoo badbaadiyay kadib wuxuu ku soo noqday Magaaladdii berbera ee uu ka tegay dabeed Cabdoo waxa waraystay dadkii magaalada oo waxa lagu yidhi

Bal waran Cabdoo markaa waxa uu yidhi WALAAHI ALXMDULILLAAH LAAKIIN XAQAL MAA RAJUCUL MAA

oo macanaheedu tahay walaahi anigu waan fiicanahay laakinn wixii aan lacag biyaha ka soo saaray waxa Ku noqdeen biyihii

Waxaan filayaa in aad fahmi doonto akhriste dulucda sheekadan markaad ka bogoato

by: sacad

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here