Nayroobi Hubaal) Wararkii u dambeeyay ee manta ay soo daabaceen Wargeysyada ugu waaweyn ee ka soo baxa Kenya ayaa sheegaya in ciidamadda ammaanka ee dalka Kenya ay sheegeen in ugu yaraan Sideed Iyo Afartan qof lagu dilay weerarlii xalay ay dablay hubeysani ku ekeeyeen deegaanka Mpeketoni oo ka tirsan magaalada Lamu ee gobolka ku yaala xeebta wadanka Kenya. Waxaanay dad goob joog ka ahi ka dhawaajiyeen in weerarkani uu socday muddo saacad ah.
Taliyaha ciidanka booliska Kenya David Kimaiyo, ayaa sheegay in tirade dadka dhintay weerarkani ay ka badnaan karto inta imika la baahiyay, isaga oo bayaamiyay in dablayda hubaysan ee weerarkan fulisay ay goobaha ay weerareen ay tageen iyaga oo isu eekaysiinaya dad rakaab ah, tiradooduna ahayd ilaa Konton qof, iyaga oo weerar ku qaaday Laba Huteel, Xarun Saldhig Boolisn Bangi, Makhaayado, Iyo xarumo kale oo kala duwan iyaga oo qaraxyana ka fuliyay, waxaanu Taliyuhu xusay in illaa iyo hada aanay jirin cid loo xidhay weerarkan.
Madaxa Xidhiidhka Wasaaradda Daakhaliga ee Kenya Mr Mwenda Njoka, oo goor dhawayd Saxaafadda u waramay ayaasi rasmi ah u xaqiijiyay in weerarkan ay ku naf waayeen Siddeed iyo Afartan qof.
Weerarkan ayaa waxa qirtay Xarakada Al-Shabaab, iyaga oo sheegay in ay ugu aarayeen Sheekhyadii u danbeeyay ee lagu dilay Mombasa