Xarunta Xuquuqal Insaanka Oo Ka Hadashay Xadhiga Gudoomiyaha Degmada Barbera Ee Xisbiga UCID, Khaliil Xuseen Muuse

0
8

War-saxaafadeed: Xarunta Xuquuqal Insaanka Madaxa Banaan ee Somaliland waxay cambaraynasa, xadhiga Khaliil Xuseen Muuse, oo ah gudoomiyaha Degmada Berbera ee Xisbiga Mucaarad ka ah ee UCID, oo 12/12/2021 boolisku Berbera ku xidheen.

Khaliil waa marki labaad ee la xidho, hore waxa loo xidhay 5/10/2021, iyadoo xiligaa loo xidhay qoraal uu bartiisa Facebook soo dhigay oo uu ku dhaliilay Maayarka iyo Badhasaabka Berbera, waxaana markaa lagusii daayay damaanad.  Hadda waxa amarka xadhigiisa bixiyay Dr Axmed Maxamed Xaashi, oo ah Badhasaabka Gobolka Saaxil. Isla imikana waxa uu u xidhan yahay qoraalkii uu bartiisa Facebook hore usoo dhigay ee horena loogu xidhay.

 

Xadhiga Gudoomiye Khaliil waxa uu lidi ku yahay dastuurka Somaliland iyo xeerarka caalamiga ee xuquuqal Insaanka.

 

Dastuurka Somaliland qodobka 32 (1) waxa u damaanad qaadayaa “in qofku xaq u leeyahay inuu ra’yigiisa ku cabiri karo hab qoraala, hadal ah, gabey ah amaba qaabkale”.

 

Xaruntu waxay aad uga walaacsan tahay korodhka xadhiga laxidhiidha arimaha xoriyatul qowlka oo aad usoo badanaya.

 

Ugu danbayn Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay ugu baaqaysa dowladda Somaliland inay joojiso xadhigyada sharci darada ah si bilaa shuruud ah na  usoo dayso gudoomiyaha xidhan, isla markaana ixtiraamto dastuurka dalka uyaala.

 

 

 

Yaasmiin Cumar  Xaaji Maxamuud

 

Gudoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insaana

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here