Xarunta Xuquuqal Insaanka Somaliland Oo Ka Dayrisay Xaaladda Guuleed Axmed Jaamac Oo Maalintii Labaad Xidhan,Sheegayna In Xeer Ilaalintu Eedo Cusub U Samaysay

0
21

Gudoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insaanka Guuleed Ahmed Jama oo shalay sifo sharci daro ah loogu  xidhay Xarunta C.I.D. ee magaalada Hargeisa ayaa waxaa loo gudbiyay Saldhiga Dhexe ee Magaalada Hargeisa. Guleid waxaa lagu xidhay qol gaara. Waxaa loogu gaystay Saldhiga Gudihiisa, Jugayn, Hanjabaad, iyo Handidaad xoog leh siduu u xaqiijiyay qof subaxnimadii hore ee saaka u helay fursad. Waxaa loo diiday inay la kulmaan eheladiisa, Hawl wadeenada Xarunta Xuquuqal Insaanka iyo dhamaanba dadkii soo bookhanayay.

guuleed axmed jaamacMaxkamada Gobolku waxay  maanta damaanad kusii daysay Guleid. Amarkaa maxkamada waa la diiday waxaana joojiyay fulintiisa Taliya C.I.D oo sheegay inuu Guleid u xidhanyahay Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka. Isla maanta Xeer-Ilaalinta Gobolka Maroodi Jeex waxay u samaysay Guleid Ahmed Jama eedo ka duwan kuwii shalay ay soo qoreen Maxkamada Gobolka Hargeisa.

Eedahaas oo ay ugu horayso Xarunta Xuquuqal Insaanku in aanay haysan shahaado sharci ah oo ay ku shaqayso iyo eedaha kale ee u gaar ah Guleid Ahmed Jama, xaruntu waxay Cadaynaysaa inay yihiin waxba kama jiraan been abuur ah. Eedaha is khilaafsan ee kasoo baxaya hay’adaha kala duwan ee Garsoorka xaruntu waxay cod dheer ku sheegaysaa inay yihiin qaar aan waxba ka jirin oo ceeb ku ah Garsoorka Dalka.

Xarunta  xuquuqal Insaanku waxay walaac wayn ka qabtaa goobta uu hada ku xidhanyahay Guleid. Xaruntu waxay dhaleecaynaysaa Tacadiyada loo gaystay Gudoomiye Guleid iyo sidoo kale in loo diiday inay cidi la kulanto.  Xaruntu waxay dhaleecaynaysaa Eedaha iyo Go’aanada iska hor imanaya ee kasoo baxaya Hayadaha Garsoorka Somaliland.

Gebogabadii Xaruntu waxay ugu baaqaysaa Dawlada Somaliland iyo Hay’adaha ay khusayso inaan lagu xad-gudbin xuquuqda aasaasiga ah ee uu leeyahay Guleid Ahmed Jama oo Xoriyadiisa Sifo Sharci daro ah ku waaayay.

Ahmed Hussein Abdi
Human Rights Centre
Hargeisa Somaliland
+252 2 411749

Shakuur87@hotmail.com

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here