Xarunta Xuquuqal Insaanka waxay aad uga walaacsan tahay Xadhiga Abwaan Cabdiraxmaan Abees Iyo Dacwadda Ciqaabta Ah Suxufiyiinta Wargeyska Foore

0
13

Hargeysa (Hubaal) War-saxaafadeed ay xurunta xuquuqal iinsaanka soo saartay ayaa lagu cambaareeyay xadhiga Abwaan Cabdiraxmaan Abees, oo shalay ciidamada boolisku xidheen. Sidoo kale waxa war-saxafeedkan ay xarunta xuquuqal iinsaanku walaac kaga muujisay dacwad ciqaab ah oo lagu soo oogay suxufiyiinta wargeyska Foore. War-saxaafadeedkan oo nuqul ka mid ahi Hubaal soo gaadhay ayaa u dhignaa sidan;

“Maalintii sabtida ahayd ee 12 January 2019 waxa dawladda Somaliland ay xidhay abwaan Cabdiraxmaan Abees oo ah muwaadin dhalashada Somaliland iyo Ingiriiska haysta.

Xadhiga abwaanku waxa uu la xidhiidhaa gabayo uu ka tiriyay 11 January maagalada Hargeysa, sida ay Xarunta Xuququqal Insaanka u xaqiijiyeen saraakiil dawladda ah iyo ehelka abwaanku.

Abwaanku wuxuu madal lagu qabtay Hargeysa ka akhriyay laba gabay oo ka hadlay “hab-dhaqan qalafsan oo booliiska ah, “xadhiga aan sharci ahayn” iyo “hogaan xumo.”

Wuxuu hada ku xidhan yahay Xarunta Dembi Baadhista ee Hargeysa, unugga la dagaalanka argagixisada.

Abwaan Abees waxa laga xidhay maqaaxi ku taal Hargeysa iyada oo aan la tusin amar maxkamadeed oo xadhigiisa amraya, dad goob joog ah iyo ilo kale ayaa sidaas u xaqiijiyay Xarunta.

Qodobka 25(2) ee Dastuurka Somaliland wuxuu sheegayaa inaan qofna la xidhi karin hadii aanu markaas dembi faraha kula jirin ama amar garsoore oo sababaysan loo haysan xadhigiisa.

Qodobka 32(1) ee dastuurku wuxuu u damaanad qaaday qof walba xorriyada inuu aragtidiisa dhiibto.

Xadhiga abwaanku waxay xad gudub ku tahay dastuurka Somaliland, waana cabudhin.

Qoyskiisa iyo qareenadiisa waa loo diiday inay la kulmaan abwaanka, sida uu Xarunta u sheegay abwaanka aabihii iyo qareenkiisa, qareen Sacad Yaasiin Maxamuud. Isku day ay doontay Xaruntu inay kula kulanto abwaanka waa loo diiday.

Qodobka 27(1) ee Dastuurku wuxuu sheegayaa in qofka la xidho sida ugu dhaqsaha badan uu ula kulmi karo qaraabadiisa, qareenkiisa iyo cidii kale ee uu codsado.

Dhinaca kale, waxa maanta Maxkamadda Gobolka Hargeysa ay yeedhmo u qortay suxufiyiinta wargeyska Foore, Maxamed Maxamuud Yuusuf iyo Cabdirashiid Cabdiwahaab Ibraahim oo lagu eedeeyey inay qoreen “war been abuur ah” iyo “cay,” sida ku qoran yeedhmada. Lama faah-faahin waxa ay dacwadoodu tahay.

Xaruntu si aad ah ayay uga walaacsan tahay xadhigga Abwaan Abees iyo dacwadda ciqaabta ah ee lagu soo oogay suxufiyiinta wargeyska Foore. Waxaay ka codsanaysaa dawladda Somaliland inay sii dayso Abwaan Cabdiraxmaan Abees, ayna la noqoto eedaha ka dhanka ah suxufiyiinta Foore.

 

Guleid Ahmed Jama

 

Agaasimaha Ku-meel gaadhka ah ee Xarunta Xuquuqal Insaanka

 

Email: hrcsomaliland@gmail.com

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here