Hargeisa- 10th February 2019- Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay canbaaraynaysaa xukunka xayiraada ah ee la saaray wargayska Foore.
Maxkamada Gobol ka Hargaysi, waxay xukun xayiraada ku riday wargays ka madaxa banaan ee Foore. Maxkamadu waxay xayirtay wargayska halsano, sidoo kale waxay seddex milyan oo Shilinka Somaliland ah oo ganaax lacageeda saartay tafatirihii wargayska FOORE Maxamed Maxamuud Yuusuf (Ilkacase).
Xayiraada wargeyska waxa lala xidhiidhiyay warar uu wargeyku ka qoray arimo ku saabsan dhismaha madaxtooyada cusub ee dowladu ka dhisayso galbeedka magaalada Hargeisa. Dowladu waxay sheegtay in wargaysku ka faafiyay warar been ah abuur ah.
Qodobka 32(3) ee dastuurka Somaliland wuxuu damaanad qaadayaa madaxbanaanida saxafada waxaanu mabnuucayaa in la qaado talaabo kasta oo lagu cabudhinayo.
Dhinaca kale, waxa wali xidhan oo xabsi ku jira Abwaan Cabdiraxmaan Abees. Abwaanku wuxuu xidhan yahay mudo bil ku dhow. Xadhiga abwaanku waxuu xad gudub ku yahay dastuurka Somaliland. Cabudhintu ra’yigu waa hab dowladu ku aamusiiso cidii iyada ka ra’ayi duwan. Taasina waa gef sharci iyo dastuur jabin.
Qodobka 32 (1) ee dastuurku wuxuu qof walba udamaanad qaaday inuu si xor ah aragtidiisa u dhiiban karo.
Xaruntu si aad ah ayay uga walaacsan tahay xayiraada wargeyska foore iyo xadhiga Abwaan Abees. Xaruntu waxay ka codsanaysaa dawladda Somaliland inay xayiraada ka qaado wargeyska Foore siina dayso Abwaan Cabdiraxmaan Abees.
Yasmin Omar Mohamoud
Gudoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insaanka