Hargeysa (Hubaal)- La Taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha doorashooyinka iyo xisbiyada Md. Maxamed Iid Dhimbiil iyo Md. Xasan Cawaale Caynaan oo ka tirsan golaha wakiillada isla markaana ku dhawaaqay in uu musharrax madaxweyne oo ka tartamaya shirka golaha dhexe yahay ayaa jawaabo ka bixiyey hadallo ka soo yeedhay is bahaysiga musharraxiinta KULMIYE oo sheegay in madaxweyne Siilaanyo uu soo xulay masuuliyiin kale oo beddelaya kuwii iska casilay xilalkii ay xukuumadda u hayeen. Ugu Horeyn Maxamed Iid Dhimbiil oo arrimahaa ka hadlayaa waxaa uu yidhi “Hadalllo ayaan maqlayay ka soo yeedhay xubno aanu saaxiibbo nahay oo musharraxiin ahaa oo shalay [dorraad] hadlayay oo iyagu yidhi guddidii uu madaxweynuhu saaray kalsooni kuma qabno, sababtoo ah marka horeba waxaanaan kalsooni ku qabin madaxweynaha” sidaa ayuu yidhi Maxamed Iid Dhimbiil, waxaanu intaa ku daray “ runtii waa kelmad la yaab leh oo aad arkayso ereygu qarada uu leeyahay, horta waa marka hore’e yaa u ergooday madaxweyanah ee u tegey?. Waxaa u ergooday oo u tegey iyaga oo cabanaya oo ka cabanaya xubnaha golaha dhexe liiskooda iyo qaabka shirka qabanqaabadiisu u socdo. Waxaa is weydiin u baahan haddii 215 xubnood ay fadhiyaan oo ay kalsooni qabaan maxaa u diiday in ay fagaaraha yimaadaan. Runtii waa waxyaabaha l ayaabka leh ee is barbar dhiga u baahan. Waxaa ii muuqata oo la qarinayaa oo daaha la saarayaa haddii col la sheego oo clo meesha yimaado, fulayga oo dhami muxuu ka cararaa?, wuxuu ka cararaa gulufka. Markaa gulufkii iyo cududii marka qofku arko ayuu odhanayaa wallaahi xabbada halkaas ka soo dhacaysa iyo gulufkaas xamili mayno” sidaa ayuu yidhi la taliyaha oo u duur xulayay musharaxiintan.
Dhinaca kale Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan oo ka mid ah musharraxiinta shaaciyey in ay ka dhex tartami doonaan shirka golaha dhexe ee dhawaan la filayo ayaa beeniyey hadallo dorraad kas oo yeedhay isbahaysiga KULMIYE ee ay ku durayaan Madaxweyanaha “MAdaxweyne Siilaanyo waxaa doortay shacabka Somaliland, waxaanan qabaa in uu yahay nin dhex ah oo aan cidna u eexanayn, golaha dhexena wuu ku jiraa oo cod buu leeyahay , codkiisana cidda uu doono ayuu siin karaa, markaa ma odhan karno cid buu u eexday” sidaasi ayuu yidhi Md. Caynaan oo shalay waraysi khaas ah siiyey Weriye Aadan Cabdi Ciidle oo ka tirsan telefishanka Horn Cable, waxaana uu intaa ku daray mar uu Weriye Ciidle wax ka weydiiyey eedaha ay is bahaysigu u jeediyeen guddoomiyaha KULMIYE ee ku dhereran dhex dhexaadnimada qabanqaabada shirka waxaa uu yidhi Musharrax Cawaale “golaha dhexe waa dad gobollada iyo degmooyinka dalka laga soo doortay, Muuse Biixina waa uu tartamayaa, tartankana waa lagu badiyaa waana lagu guul daraystaa, markaa anigu ma qabo in uu maroorsaday ee waa dhex, markaa haddii tartan dhaco ciddii weynuhu [Illaahay] ugu talo galay ayuun baa soo baxaysa” ayuu hadalkiisa ku soo xidhay