“Miyaad Wali Aragteen, Anigoo Afhayeenka Xisbiga Kulmiye Ku Hadlaya?”- Wasiirka wasaaradda xanaannada xoollaha
Hargeysa (Hubaal)- Wasiirka wasaaradda xanaannada xoollaha iyo horumarinta kalluumaysiga JSL Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi) oo shalay qaar kamid ah warbaahinta maxalliga ah uga jawaabay su’aallo laga weydiiyey xilka wasiirnimo ee loo dhiibay iyo sida ay isu waafaqayaan xilkii uu hore ugu hayay xisbiga KULMIYE ee ahaa afhayeennimada. Wasiir Gaafaadhi waxaa uu meesha ka saaray in wixii ka dembeeyey markii uu Madaxweyne Muuse u magacaabay xilka wasiirnimo uu meel iska dhigay xilkii uu KULMIYE u hayay ee afhayeenimada ahaa, “miyaad wali aragteen, anigoo afhayeenka xisbiga Kulmiye ku hadlaya”. Sidaasi ayuu yidhi Wasiirka Xanaanada xoolluhu, waxaanu intaa ku ladhay “meel la igaga wareejiyay afhayeenimadii xisbiguna ma jirto, laakiin marka ay noqoto in layga wareejiyo, waa mar fadhi la yeeshay, markaasuun baanay dhacaysaa, in lawareejiyo”