Xasan Jigriil Oo Digniimo Iyo Eedayma Uxambaariyay Madax-Dhaqameedka Dalka Markalena Iftiimiyay Ujeedada Shirka HABARMAGAADO‏

0
26

”Arab-arabnimaddi Wuu Kasoo Degey Awalna Awal Nimadii Waa Kasoo Degey Ismaaciil Garxajisna Kasoo Deg Oo Iminka Waa Bah Habarmagaado” Oday Xasan Jigraal
Hargeysa(Hubaal) Oday Xasan Cabdi Caraale Jigraal oo kamid ah Haldoorka Iyo koofiyadda Gobolka SANAAG oo shir jaraa’id ku qabtay Magaaladda Hargeysa ayaa si kulul uga jawaabay hadalo kasoo yeedhay Cuqaal kasoo Jeeda Galbeedka Somaliland.
Xasan Waxa uu mar labaad faahfaahin ka bixiyay ujeedada ala bari ay qabsanayaan Beelaha HABARMAGAADO Isagoona digniin culus udiray madaxdhaqameed uu sheegay inay ka baayac mushtaraynayaan waxaan dani ugu jirin,

xasan jibriil
Oday Xasan ayaa ku tiraabay inaan kulanka iyo siyaaradda Beelaha HABAR MAGAADO waxba yeeli doonin Nabadgelyadda Dalka ee xubnaha Dhaqanka sheeganayaa joojiyaan sawirka Khaldan ee ay ka bixinayaan Siyaaradaasi waxana uu Ugu horayba carabka ku dhuftay Ujeedada Alabari beelaha Habarmagaado qabanayaan.
”Waxan beryaha dambe maqlayay barawixishnabad gelyo iyo qabyaalad laga cabanayo markaa waxaasi meeshay yaalin anigu garan maayo anigu markaan iska waramo waxay ahay nin garxajis ah Garxajis nimaddi wan ka degay oo hoos baan uga soo dhaadhacay oo waxan noqday Bah – Habarmagaado qabyaaladna maaha waa Hooyo waa rixin waalid inkaarna noqon maayo dhibaato ay wadaan ma jirto waxan leeyahay wixii nabad gelya Xumo wada ilaahay adhaxda ha ka jebiyo qabyaalad anaku ma wadno waxanu se sheeganaynaa hooyadayadii naaska na nuujisay sida qoladda kaleba usheeganayso Habar Xabuusho markaa qabyaaladi ma jirtee waxa weeye arabna maanta arab sheegan maayo awalna awal sheegan maayo, ismaaciil garxajisna ismaacil garxajis sheegan maayo ee Waa Bah-habarmagaado”
Oday Xasan ayaa Sheegay inay mudan tahay in Madaxda dhaqanku ka hadlaan iaalinta Nabadgelyadda balse ay nabad gelyo xumo tahay in Mid walba qori dableh dawladdu ugu soo dhiibto beeshiisa lagana soo Dhaadhiciyo inay Wadaan Nabadgelyo Xumo
”Waxan usheegayaa isimadda maalin walba iyo saacad walba ka hadla Telefishanadda mid walba qabiil baa soo dirtay waxana loo dirtay oo qoyskiisu udirtay dan uu leeyahay oo nabadgelyada dalku kamid tahay dadkuna iyaga dalkooda iyo dawladoodaba jecel nimaankaas madaxdhaqameedka ahi intooda badan way ka leexdeen wixii loo dirtay weji ku macaash ayay noqdeen oo waxad arkaysa qaar qoyskoodi lagu soo diray oo laga dhaadhicinayo nabad gelyada ayay xumanayaan waxanay wadaan oo qarash ku qaadanaya markaa anigu waxan arkaa inay nabad gelyada xumanayso in qabiil walba isimkii uu soo dirsaday dib loogu soo diro iyaga in ay nabad gelyo xumo horseedayso ”
Hadalka Oday Xasan ayaa daba socdo dhawaaqa hadalo digniino nabad gelyo xumo iyo mid qabyaaladeed u muuqda oo mudooyinku udambeeyay ay warbaahinta marinayeen Qaar kamid ah Madaxdhaqameedka Somaliland.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here