Xasan Ruuxaaniga Iran Oo Ku Hanjabay In Ay Talaabo Aan La Malayn Karin Qaadi Doonaan Hadii Maraykanku Ka Baxo Heshiiska Nukliyeerka

0
16

Madaxweynaha Iran, Xasan Ruuxaani, ayaa ku hanjabay in dalkiisu diyaar u yahay in uu qaado talaabooyin la “filan karo iyo kuwo aan la malayn karin ba” hadii Maraykanku ka baxo heshiiskii nukliyeerka ee dhex maray Iran iyo quwadaha waaweyn.

Ruuxaani oo khudbad ka jeediyey telefishanka dalkiisa ayaa waxa uu yidhi “wakaaladayada tamarta nukliyeerku waxay heegan buuxa ugu jirtaa in ay qaado talaabooyin ay filan karaan iyo kuwo kale oo aanay malaysan karin”, erayadaas oo loo qaatay in uu kaga hadlayey suurto galnimada uu madaxweynha Maraykanka, Donald Trump, dalkiisa kaga saari karo heshiiska nukliyeerka.

Trump ayaa caadaystay inuu duro heshiiskaas waxaanu ku tilmaamaa oo yidhaahdaa “waa mid ka mid ah hesiisyadii ugu xumaa ee aan arkay”.

Madaxweynaha Maraykanku waxa uu sidoo kale Iran ku eedeeyey in ay ku xadgudubtay heshiiska nukliyeerka ee ay la gashay quwadaha waawayn saddex sanadood ka hor.

Hase yeeshee Iran waxay iyaduna had iyo goor sheegtaa in ay xaq u leedahay in ay hesho tamarta nukliyeerka, waxaanay ku nuuxnuuxsataa in barnaamijkeeda nukliyeerku yahay mid nabagelyo oo keli ah.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here