Xasan Siciid Oo difaacay xidhiidhka ka dhexeeya Madaxweynaha iyo Hogaanka Xisbiga
Hargeysa(Hubaal)-Xoghayaha Guud ee Xisbiga Kulmiye Xasan Siciid, ayaa sheegay inaan Guddoomiyaha Golaha dhexe ee Xisbigaasi ku hadli karin Afka Xisbiga, “Jaamac Shabeel wuxuu ka hadlay Xeerka Kufsiga, wuxuu uga hadlay si shakhsi ah ee kumuu hadlin afka Xisbiga” sidaas ayuu u sheegay Telefishanka ERYAL oo uu maanta waraysi siiyey.
Xoghayaha ayaa sheegay in isaga iyo Madaxweynaha wada-shaqayn toos ahi ka dhaxayso, isla markaana aanu jirin wax madmadow ah oo soo kala dhexgalay “anigu madaxweynaha ayaan toos ula shaqeeyaa, wax khilaaf ah oo naga dhaxeeyaana ma jirto”.
Waxa kale oo uu tilmaamay inaanay jirin sabab la isugu ladho isaga iyo Guddoomiyaha Golaha Dhexe “Guddoomiyaha Golaha dhexe kuma jiro hogaanka xisbiga, anigu waxaan kamid ahay hogaanka, mana jirto sabab la isugu kaaya xidho aniga iyo Jaamac Shabeel”
Hadalka ka soo yeedhay Xoghaye Xasan Siciid ayaa muujinaya inuu jiro khilaaf u dhexeeya isaga iyo Guddoomiyaha Golaha dhexe, khilaafkaasoo u muuqda mid hoos u sii jira Xisbiga hogaankiisa iyo tabashooyin ay qabaan siyaasiyiinta aan ka qayb-gelin Xukuumaddu.