Dhigaalka Sooyaalka taariikheed iyo dhugashada dhacdooyinka siyaasadeed ee markaas taagan oo la isku geeyaa waxay joon-gooyaan hilaadinta mustaqbalka siyaasadu siday u ekaan karto iyo madaxda hogaaminta mustaqbalka siyaasadeed ciday noqon doonto.
hadaynu dib u eegno Loolankii ugu danbeeyey ee Madaxweyne loogu doortay Axmed Siilaanyo waxay jiray saddex xisbi qaran oo kala ahaa:- Udub oo markaasi xisbul xaakimka ahaa iyo laba xisb Mucaarad oo Kulmiye iyo UCID kala ahaa.
Sababta ugu weyn ee uu ku guulaystay xisbiga Kulmiye waxa la yidhaa waxay ahayd qodobo ka mida ah heshiisyadii laga soo gaadhay shirkii gar-adag oo ahaa in beesha xilka madax wyne donaysaa go’aan ku gaadhay iney is-gaashaan buuraysi la samayso beelaha aan xiligaasi xisbiyada madax ka ahayn beelahaasi oo daga somalind inteeda kale oo dhan , taasoo ay kaga guulaysteen labadii xisbi ee la tartamayay, waana sababta suuragalin doonta cida guulaysaneysa saddex xisbi ee tartamaya
Dhaninaca kale waxa jira xifiltan siyaasadeed oo ka dhexeeya labada beelood ee Burco wada daga ee taasoo mar kasta laga dheehan karo silsilada siyaasada, WADANI waxay uu ka mid yahay xisbiyada dhawaan ku soo biiray saaxada xisbiyada waxaana hogaaminaya siyaasi c/Raxmaan cirro oo ka soo jeeda beelaha burco daga mid kamida iyadoo siyaasiyiinta beesha uu ka soo jeedo kuwoodii ugu miisaanka cuslaana ay ku biyo shubteen kuna biireen xisbiga wadani tani waxay u muuqataa iney beeshasi haatan uun heshay saldhiga siyaasadeed oo ay in badan raadcaynayeen.
Xisbiga wadani waxa uu badalay oo meesha ka saaray xisbigii UDUB oo ay taageerada ugu badan siin jireen beesha u gudoomiha wadani ka soo jeeday kuna tiraabi jireen eraygii caan baxay ee DHAB LIBAAX ayuu ku hurdaa Riyaale markii uu xilka hayay, dhab libaax buu Riyaale ku hurdaa iyo erayo kale oo badan waxay ahaayeen jilaafooyinkii laf dhuun gashay wakhtiyada qaar ku ahaa Axmed Siilaanyo oo in badan mucaarad u ahaa sidii kursiga dalka ugu sareeye mar uun u fuuli ahaa.
Iyadoo sidaa tahay ayaa hadana
Haatan xisbiga wadani oo ay ku urursan yihiin haldoorkii beeshi wuxuu u quudaraynayaa inuu ku guulaysto madaxnimada Somaliland isagoo raba inuu badalo xisbiga Kulmiye oo saamaynta ugu weyn ay ku leeyihiin beesha Habarjeclo oo hore u soo dhaafisay madaxtooyada beeshan habaryoonis iyo samaroon oo dhabtooda ku fadhiday soona dhigtay dibada.
Xisbiga Kulmiye oo ah xisbul xaakimka haatan talada haya oo ah xisbi lagu tiriyo inuu yahay xisbiga ugu taageerada badan wakhti xaadirkan la joogo, waa xisbi soo maray wakhti adag oo ay dhexdiisa ka dhaceen shaqaaqooyinka mararka qaar halis galiyey ama ruxay amiga guud ee wadanka ka dib markii sida laga war qabo wuu xisbigu isku maan dhaafay cida u matali doonto doorashada soo socota, inakstoo xisbi galay xalad lagu kala dareeri gaadhay hadana wuxuu wax walba ku maareeyey wada hadal iyo isku tanaasul dadka qaar ay aamisan yihiin iney ka heleen waayo aragnimo dheeraad ah wakhti badan oo ay haldoor xisbigu is qabteen
Wax kastoo dhexdooda ka dhacay aakhirkii xisbigu kulmiye waxay musharax u doorteen nin ka soo jeeda beelaha casimada daga mid kamida ah.
Haa sidani waa sidii ay saadaalinayeen dadka siyaasada orodorasaa,
beesha lahayd aasaaska xisbiga kulmiye waxay sameeyeen maskax furnaan cusub oo ah iney kulmiye ka soo saareen isla markaana ku garab istaageen xubin ka soo jeeda beeshii markii hore iayaga soo dhinac istaagtay.
Hadaba iyadoo xifiltankaa aad u wayni ka dhaxeeyay labadaa beelood ee burco wada dagaa oo waliba dagalami jiray siday rayaale ugu hayn lahaayeee silanyona inay ka ilaaliyaan wax kasta u sameeeyay maanta maxay kala kulmi karaan ileeen bowdo rag malinba mid baa qaawane
Waxan filayaa intahay
Fursadaha uu WADANI ku guulaysan karaa waa uun riyo nacas riyooday
Buraale_jama@hotmail.com