“Meesha lagu Ogollaaday Mey Joogin Garyaqaanno”- Xildhibaan Qabille Oo Soo Bandhigay Xogo Ku Duugan Saldhigga Imaaraadku Berbera Ka Calmaday
Hargeysa:(Hubaal)-Xildhibaan Maxamed Faarax Qabille oo katirsan mudanayaasha aqalka wakiillada Somaliland, ayaa si adag uga digay saldhigga milieri ee xukuumaddu damacsan tahay inay magaalada Berbera ka siiso dalka Imaaraadka Carabta oo muddooyinkii ugu dambaysay xidhiidhkoodu fiicnaa.
Xildhibaan Qabille oo waraysi gaar ah siiyey Hadhwanaagnews, ayaa bulshada usoo bandhigay siro hoose oo ku duugan saldhigga Imaaraadka la siiyey oo inta badan xogtiisa aan la haynin, isaga oo sidoo kale dooxay isbeddel qarsoon oo ku yimi heshiiskii DPWorld, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Waxan si mugleh uga hadlayaan saldhigga mileteri ee dawladdaha Imaaraadka iyo Masar ay ku mataanaysan yihiin ee sida xilkasnimo darrada ah ee lexejeclo la’aanta ah ee magac la’aanta ah ay u bixisay xukuumadda Somaliland, horena waxa aynu u ogayn in shirkadda DPWorld heshiiskii ay dekedda Berbera la gashay ee la ansixiyey ay sideedii iska beddeshay, safarkii ugu dambeeyey ee madaxweynuhu Imaaraadka ku tegayna waxa ay xukuumaddu dalbatay lacag ay abaaraha iyo doorashooyinka ku gasho, markii ay Imaaraadku arrintaas ogaadeen waxa ay wax ka beddel ku sameeyeen heshiiskii Berbera waxana ay ku xidheen laba shuruudood oo kala ah inay saldhigga militeri ogaalaadaan, dekedana bisha Fabruary ee 2017-ka dib loo dhigo waasicintii hore ee 400Mitir ahayd, iyaguna si degdeg ah loo siiyo lacag dhan $5000,000(shan milyan oo dollar).”
Waxa uu xildhibaanku wax laga xishoodo ku tilmaamay qaddarka lacagta ah ee sida sanadlaha ah loogu kireeyey saldhigaas, isaga oo xusay inaan arrinta xataa loogu yeedhin cid cilmi u leh oo talooyin muhiim ah ka bixin karta,“Lacagta lagu kireeyey saldhigga imaaraadka xataa wiishashka fooqyada dhisaa kuma shaqeeyaan, marka raqiisnimadeeda la eego, meesha lagu ogolaanayeyna may joogin garyaqaanno, khubaro am acid kale oo garanaysa qiimaha Berbera iyo meesha ay ku taalla, arrintaasina waxa ay inagu biirisay colaaddii bariga dhexe ka huraysay” ayuu yidhi xildhibaan Maxamed Faarax Qabille.
Maxamed Faarax Qabille oo dhalasho ahaan kasoo jeeda gobolka Saaxil, waxa uu caddeeyey inaanay dalka aynu jaarka nahay ee Ethiopia sinaba raalli uga ahayn in Imaaraadka oo hoosta ku wata Masaarida oo colaadi ka dhaxayso Ethiopia soo degaan Berbera,“Arrinta saldhigga Ethiopia raali kama aha, maadaama ay jirtey khilaaf istaatiijiyadeed oo muddo badan soo taxnaa dalka Masar, waxana muuqata inaanay Somaliland arrintan lexejeclo u qabin” ayuu yidhi xildhibaan Maxamed Faarax Qabille.
Ugu dambayntii Xildhibaan Maxamed Faarax waxa uu tilmaamay in saldhigaasi Somaliland dhex dhigayo colaadda ka huraysa waddamada Bariga dhexe, isla-markaan Somaliland ku keenaysa Saamayn taban, waxana uu yidhi,“umadda waxan leeyahay arrintaasi waa arrin colaadeed oo geeska Afrika saamayn taban ku yeelanaysa oo la isku keen dulqabsan doono, madaxweynahana waxan leeyahay haddaad hakin weydo arrinta hola dhalaysa ee haliska weyn ku leh geeska Afrika ee Somaliland qaranimadeedii gunta ka ridaysa, waxa ay arrintu tegi doontaa gacan, arrin dulqaad laga muujinayona ma aha.”