Xatooyo Cusub Oo Faro Baas Ku Haya reer Hargeysa Iyo Budhcad Furayaal U Samaysatay Baabuurta Dadweynaha

0
78

Baabuurkaygii oo aan wada xidhay daaqadihiisa, furihiina aan qaatay,  ayaan waayay, ciidankii Booliska ayaan ku wargeliyay, waanu daydaynay ka dibna waanu ka quusanay,”

Hargeysa (Hubaal) Waxa beryahan dambe ku soo soo badanayay Magaaladda Hargeysa tuug xadaysa Baabuurta yaalla meelaha baarkinadda ah (Parkings), kuwaasi oo ku furanaya fureyaal ay samaysteen oo noocyadda baabuurta oo dhan furaya oo la yidhaahdo (Master Key). Guddoomiyaha Wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA   Xuseen Aadan Yuusuf (Xuseen Kurdi) waxa laga xaday baabuur Grande ah oo uu gaar u leeyahay, waxaanu baabuurkaasi ka maqnaa muddo saddex habeen ah. “Baabuurkaygii oo yaalla Idaacadda Horteeda oo aan wada xidhay daaqadihiisa, furihiina aan qaatay, ayaan habeenimadii Ciidu soo gelaysay markii aan xili dambe oo aan shaqadda ka baxay isku dayay inaan baxo ayaan waayay baabuurkii, ciidankii Booliska ayaan ku wargeliyay, waanu daydaynay ka dibna waanu ka quusanay,”Ayuu yidhi Xuseen Kurdi. Waxa kale oo uu intaas ku daray in saddex habeen ka dib Boolisku ku soo wargeliyeen in baabuurkiisii meel cidla ah yaallo. “Markii Boolisku ii soo sheegeen waxaan ugu tagay meel idaacadda agteeda ah isagoo la iska dhigay oo taayir ka banjaray, ka dibna sidaasi ayuu gacantayda ugu soo noqday Gaadhigii aan maalmaha raadinayay. dalcada xaafada masalaha ee Hargeysa“Gaadhiga Muraayadaha daaqadaha lama jabjabin, taasi ayaa kuu caddaynaysa in aan la jabinin ee furre lagu furtay. Arrintaasina waa dhacdooyin budhcadnimo oo ku cusub Somaliland. Waana wax u baahan in gaadiidlayda iyo bulshadduba ku baraarugto,”ayuu ku dooday Xuseen Aadan Yuusuf oo xalay u warramay Gudgudenews.com.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here