Xayiraaddii Saarnayd Xawaaladaha Soomaalida Kenya Oo La Qaadayo

0
33

 Nairobi:(Hubaal)-Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa  Khamiistii shalay ahayd ka codsaday Bangiga Dhexe ee Dalkiisa inuu sameeyo sharciyo la xidhiidha xawilaadda lacagta, kadibna la qaado xayiraadda saaran lacagaha xawaaladaha ee Soomaaliya.

Bishii Abril 2015 ayaa Xukuumadda Kenya xannibtay dhammaan shirkadaha xawaaldaha ee Soomaalidu leedahay, iyadoo ku eedeysay shirkadahaas in Al-Shabaab ay isticmaalaan, kadib xasuuqii ka dhacay Gaarisa ee al-Shabaab ay ku dileen dad ka badan 150 qof.

xawaaladaha-kenya-ee-soomaalidaGo’aanka Uhuru Kenyatta ayaa lagu soo beegay bilowga bisha barakaysan ee Ramadaan, waxaana lagu sheegay in 13 Xawaaladood oo sharci haysa laga qaadayo xannibaadda.

“Waxaan u jeedinayaa Bangiga Dhexe ee Kenya in sida ugu dhakhsiyaha badan u sameeyo xeerar dhamaystiran oo la xidhiidha Xawaaladaha, kaas oo wadada u xaadhaya in la qaado xayiraada xawaaldaha” ayuu ku yidhi Kenyatta bayaan uu soo saaray.

Lama sheegin taariikh rasmi ah oo la qaadayo xayiraadda. Waxaana laga warsugayaa sharciga uu samaynayo Bangiga Dhexe ee Kenya.

Xayiraadda Xawaaldaha Soomaalida ee dalka Kenya ayaa si weyn u saameysey kumaankun oo qof oo Soomaali ah oo dhibaato kala kulmay, sidoo kale waxa ay waxyeello ka soo gaadhay shacabka Kenya, waxaana hoos u dhac weyn ku yimid dhaqaalaha iyo suuqyada gaar ahaan kuwa Soomaalida.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here