Muwaadin Cabdixakiin Axmed Xirsi Xawte oo Xadhiga Ka Jaray Dugsi Sare Oo Uu Ka Dhisay Degmada CArrooley Oo 100Km Waqooyi/Bari Kaga Quman Laascaannood
Carroolley (Hubaal) – Dadweynaha ku dhaqan magaallada Carrooley ee gobolka Xaysimo ayaa soo dhaweeyey muwaadin Muwaadin Cabdixakiin Axmed Xirsi (Xawte) oo kamid ah qurbejooga reer Somaliland ee kasoo jeeda deegaannadaas oo isagu ku deeqay dhaqaallaha ku baxay dhismaha dugsi sare oo deegaankaas laga hirgeliyey. Dugsigan oo loogu magac daray xawte Secondary School, isla markaana ka kooban fasallo tiro badan iyo xafiisyadii maamulka waxaa munaasibad xadhiga lagaga jaray oo lagu qabtay xarunta dugsigaasi ka qayb galay, garaado, madax dhaqameedyo, aqoonyahanno, haween, dhalinyaro iyo marti sharaf aad u badan. Muwaadin Cabdixakiin Axmed Xirsi oo dugsigaasi uu hirgeliyey ka sokow sidoo kale dhagax dhigay dhismaha dugsi hoose dhexe oo ay degmadu yeelan doonto ayaa ka warramay ujeedada uu dhaqaalihiisa ugu bixinayo tayaytna waxbarashada iyo adeegyada bulshada, isaga oo sheegay in uu doonayo in uu hormood ku dayasho mudan u noqdo dhigiisa qurbaha iyo gudaha dalkaba ku sugan ee u dhashay deegaankaasi kuwaas oo uu ugu baaqay in ay u hagar baxaan dalkooda hooyo. Soo dhoweynta ka dib waxaa xadhiga laga Jaray dugsiga Sare ee Xawte Secondary School ee laga dhisay Magaalada Carooley, iyadoo si wadajir ah ay xadhiga uga jareen Garaad Maxamuud Cismaan Mashqare, Caaqil C/rashiid Cabdi Aabi iyo C/xakiin Axmed Xirsi oo maaligelinta dhismaha, Qalabaynta iyo Sii wadidda Mushahaarada acalimiinta Dusha Saartay. Ugu horeyn waxaa halkaas ka hadlay qaar ka mid ah waxgarad, Cuqaal iyo Abwaano degaankaasi oo u mahad celiyey, waxaana Intaas ka dib waxaa halkaasi Lagu gudoonsiiyey C/xakiin Axmed Fardo iyo Geel hadiyad iyo abaalmarin looga dhigayey, wuxuuna sheegay in uu sii wadi doono waxqabadka uu bulshada ay ehelka yihiin u wado isla markaana ka dalbay in ay caruuraha wax baraan taasina ay isga in loo abaal gudey uu arki doono. Garaad Maxamuud Cismaan Mashqare ayaa soo gabagabeeyey Munaasibadaasi ayaa waxa uu mahadcelin iyo ducuba u soo jediyey Muwaadinkan isagoo baaqna u diray kuwa maqan ee ilawsan dadkooda. Magaalada Carooley ayaa 100Km Waqooyi Bari kaga Quman Laascaanood waana halka laga furay Dugsi Sare ee uu muwaadinkani hirgeliyey isla markaana dhagax dhigay dugsi hoose dhexe oo lahaan doonto tuulada dhubuq dhubuq (Sinu-jiif) oo Carooley hoostimada. Dadweynaha degmada Carooley ayaa si aan oo kala hadhin u soo dhoweeyey C/xakiin Axmed Xirsi, iyadoo ay kaga hortageen degaan aad uga durugsan kuna soo gelbiyey Fardo iyo Gaadiid tiro badan.