Xeer Ilaaliyaha Guud Ee Qaranka Oo Shaqadii Ka Eryey Garsoorihii Laalay Kiiskii Ka Dhanka Ahaa Wargeyska Hubaal Iyo Taliye Fadal Oo Hoggaaminaya Koox Shaqadoodii Dayacan Tahay Oo U Xiiqsan Xadhigga Wargeyska

0
31

Hargeysa:Jan,13,2015(Hubaal)-Xeer ilaaliyaha Guud ee Somaliland Xasan Axmed Aadan, ayaa saaka sifo sharciga Baalmarsan Shaqadii uga caydhiyey Garsoorihii Maxkamadda Gobolka Hargeysa Xuseen Cabdi Belell oo dhawaan ku dhiiraday Inuu Heeryada Dulmiga ah  ee Taliye Fadal ku hayo wargeyska Hubaal ka dul qaado, waxan uu xeer ilaaliyuhu ku dhaqaaqay tallaabo aanu wax aqood sharci ah u lahayn.

 ballal

Xeer ilaaliyaha ayaa sida ilo xogogaal ahi noo xaqiijiyeen  isagoo fulinayo Cabasho iyo catow tiro badan oo Taliye Fadal ka muujiyey Tallaabadii Garsoore Xuseen Jaamac Belel ku laalay kiiskii wargeyska Hubaal loo haystay ee Maqaar-saarka ahaa, waxa uu dib ugu amray Guddoomiyaha Maxkamadda Racnaan Cabdirashiid Duraan inuu dib xayiraad aan meelnaba  haysan ugu saaro wareyska Hubaal, waxana uu taas kusii xigsiiyey inuu gebi ahaanba sifo sharciga Baalmarsan  ugu dhawaaqo inuu shaqadii ka caydhiyey Garsoorahaas caddaadaladda ku  dhiirraday.

Sida ku cad xeerarka iyo shuruucda Garsoorka, Garsooraha, waxa Shaqada ka eryi karo oo kaliya Guddida Caddaalada oo ka Kooban xubno badan oo ay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Xeer Ilaaliyaha Guud xubno ka yihiin, kumana taallo meel xeer ilaaliyuhu shaqada kaga joojin karo Garsooraha Maxkamadda Gobolka Hargeysa.

Kiiskan ooh ore si sharci ah Maxmamadda Gobolka Hargeysa ugu laashay, ayaa waxa geed dheer iyo mid gaabanba u fuushan Taliye Cabdilaahi Fadal oo isagu aqoondarro  iyo kibir uu ka qaaday Dirayska uu qaranka u gashan yahay ugu hawllan inuu sifo sharci darro ah ugu dabranaado wargeyska Hubaal oo dedaal dheer iyo taageero sharci oo uu helay kaga soo baxay God uu Taliyuhu hore isagoo adeegsanaya Awoodda qaranka ugu riday.

Eriska Garsoore Xuseen Jaamac Belel, ayaa waxa  qayb ka ah oo ku tawaawacay, isla-markaana ka gudbiyey warbixin khaldan oo lagu sheegayo inuu xambaarsan yahay farriin ka dhinac Xukuumadda,  Taliye Fadal oo ayaamahan usoo guntaday sidii uu cabudhinta saxaafadda dalka oo uu horeba caan ugu ahaa sii amba qaado, waxana uu xeer ilaalilayaha Guud ka dhaadhiciyey in Meesha laga saaro Garsoore Xuseen oo laga dhex arkay il caddaaladeed oo aanay xubnahani la qabin.

Taliyaha Ciidanka Oo ay  laabtiisa ka Buuxdo Xumaan iyo Buqdi uu u hayo wargeyska Madaxa Bannaan ee Hubaal oo uu ka daba joogo xaqiiqooyin runta ku salaysan oo uu hore uga Baahiyey Habacsanaanta shaqadiisa ku jirta iyo karti darrada Hawlaha amni ee uu qaranka u hayo ayaa haatan door muuqda ka ciyaaraha Hagardaamada koox kooban oo xukuumadda ku xidhani ku Hayso Wargeyska Hubaal iyo Hawlwadeenadiisa.

Tallaabadan sharciga Baalmarsan ee uu Xeer ilaaliye Xasan Axmed Aadan shaqada kaga joojiyey Garsoore Xuseen      Jaamac Belel, ayaa ah sharci jebin cad oo uu ku baalmaray sharcigii dalka, isla-markaana uu dhabarka kaga jabiyey shuruucdii Garsoorka iyo middii la xidhiidhay habka xilka looga qaado Garsoorayaasha oo ah mid awooddiisa shakhsi ka baxsan.

Bahda Garsoorka iyo Hoggaanka Maxkamadda Gobolka Hargeysa, ayaa lagu wadaa inay Maalinta Berri ah ka dhiidhiyaan oo cod dheer kaga jawaabaan Weerarka Qaawan ee kooxdan  wajiku macaashka ah ee ay xubnaha ka yihiin Taliye Fadal iyo Xeer ilaaliye Xasan  ku hayaan Shaqadooda, waxana la sugayaan inay iftiimin doonaan sida aanu Xeer ilaaliyuhu wax awood ah ugu lahayn inuu Garsoorahan shaqada ka eryo.

Aqalka Madaxtooyada, ayaa isagu daawanaya oo ku faraxsan  sharci jebinta Awoodaysan ee Cabdilaahi Fadal oo shaqadiisiiba ku fashilan iyo Xeer ilaaliye Xasan ku qasayaan Hannaankii sharci ee dalka, waxana Bahda Hubaal Aaminsan tahay inay Tallaabooyinka Noocaas oo kale ah ku saacidayaan.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here