Somaliland Waxay u dabaaldegaysaa Sanadguuradii 25aad ee qarranimada JSL, intaa waxay xaqiijisay guulo badan sida dib-u-dhiska waddanka ee dhanka maamulka dawladnimo, fidinta kaabayaasha arimaha bulshada aasaasiga ah, amaanka iyo difaaca qarranka, sharciga dajinta iyo Adeega garsoorka.Hadana wali waxa jirra qabyooyin badan oo imika ina horyaala sugayana in la dhamaystiro, si loo gaadho Himilooyinka qarranka JSL. Sanad kasta waxaynu si hagar la,aana u qabanaa una xusnaa maalinta qaranka JSL ee 18 May. Maalintani waa maalintii qarranka JSL, waa maalinta ugu weyn maalmaha aynu xusno ee aynu dabaaldegno. Waxay leedahay jawi u gaar tusaale ahaan waxaa la garaacaa heesta iyo muusiga calanka, waxaa gaardi iyo qoob ka-ciyaar ku soo marra Ciidamada qarranka, Waxaa Khudbado jeediya madaxda dawlada oo uu ugu sareeyo Madaxweynaha JSL. Maalintaasi waxaa haboonaa inay hesho habmaamuus u gaar ah, oo cid waliba taqaano, isla markaana la unko oo la soo saaro Xeerka u gaar ah HABMAAMUUSKA HEESTA CALANKA IYO MAALINTA QARRANKA JSL. Xeerkaasi oo koobaya Habraaca iyo nidaamka loo qabanayo Maalinta qarranka JSL, ay ku xusan yihiin qoddobo Muhiim ah oo loo baahan yahay sida:
- Fagaaraha Xuska: Halkee lagu qabanayaa Xuska iyo dabaaldegga (18 May) Maalinta qarranka JSL. mise maalina Madaxtooyada horteeda ayaa lagu qabanayaa maalina Beerta Xorriyada?
- Barnaamijka Dabaaldegu: Siduu u kala horeynayaa barnaamijku? Ma Gaardiga Ciiddanka ayaa ka horeynaya khudbadaha? Yaa furaya barnaamijka? Yaa soo xidhaya barnaamijka xuska maalinta qarranka?
- Habmaamuuska Fadhiga Masraxa: Siduu noqonaysaa Habmaamuuska Masraxa ay fadhiisanayaan Madaxda qarranka JSL, Tusaale ahaan waa inay ku caddahay xeerka Masuuliyiinta Madaxweynaha ka xigaysa harreereha iyo guud ahaan sida loo fadhiisanayo goobta.
- Habmaamuuska Heesta Calanka: Heesta calanka marka la qaadayo maxaa la samaynayaa? Miyaa la istaagayaa? Ma gacantaa laabta la saarayaa mise gacmaha waa la sii daynayaa?
- Habmaamuuska Khudbada: Waa kuwee Masuuliyiinta ka hadlaya maalintaa, ee khudbadaha ka jeedinaya Fagaaraha laguu qabanayo xuska maalinta qarranka. Tusaale ahaan Madaxweynaha yaa ku wehelinaya xaga khudbada, mise cid kastaba way hadlaysaa siday imika tahay.
- Gaardiga Ciidamada qarranka: ciidanka soo marayaa waa intee tiradiisu? siday u kala qaybsan yihiin (Ciidanka boolis, Ciidanka Asluub, Ciidanka badda, iyo Ciidanka qarranka? Ciidankee ugu soo horeynaya xaga susunka? Mise cid kastaba waxay soo marysaa Waddada iyaga oo calan sidata?
- Maxaa la oggol yahay/ Maxaase ka reeban Debaaldegga: Waa qodob ka mid ah kuwa uga muhiimsan in lagu cadeeya Xeerka. Tusaale ahaan balk a warrama hadii ay habluhu jidhkooda ku soo qortaan (18 May) oo ah mid ka hor imanaysa Diinteena Islaamka.
Xeerkaasi Wuxuu dadka iyo dawladaba u keeni karaa faaiido weyn, waaayo hawlkastaa hadaanay Sharci iyo Xeer ku dhisnayn maaha mid qeexan. Tusaale ahaan xeerkan wuxuu bari lahaa shacabka Habmaamuuska iyo sida loo samaynaya xuska Maalinta qarranka JSL.
Xeerkani wuxuu madmadowga ka saarayaa meelo badan oo had iyo jeer lagu murmo dadkuna isku qabsadaan sida loo qabanayo, oo markaad u fiirsatana aanu jirrin Xeer sheegayaaba.
Tusaale sawirkan hoose eeg, Madaxweyne Silaanyo iyo Madaxweyne Rayaale. Waqtigu waa xilwareejintii Madaxweynenimada ee 2010 kii, Waxaa soco heestii calanka, Midkood gacanta ayuu laabta ku hayaa Mid na gacmaha wuu sii daayey, kumaa qaldan kumaa saxsan cid cadayn kartaa ma jirto Waayo ma jirro Xeerka Habmaamuuska Heesta Calanka iyo Maalinta Qarranka JSL.
Haddaba si aynu u dhamaystirno una qurxino maamulka dawladnimo, isla markaana aynu ugu dayano duwalka caalamka ee badan, waxaa haboon oo waajib ah in la unko XEERKA HABMAAMUUSKA HEESTA CALANKA & MAALINTA QARRANKA JSL.
Allaa Mahad Leh
W/Q: Xuseen Cabdi Cali (Xuseen-Badhaani)
Hargeysa, Somaliland