Hargeysa (Hubaal)-Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee golaha wakiilada Somaliland ahna ku simaha Guddoomiyaha Golaha wakiilada Ayaa cadeeyay in ajandaha laga saaray xeerkii lagu soo dooranay golaha wakiilada Somaliland.
Xeerka lagu soo dooranayay golaha wakiilada Somaliland oo ku jiray ajandaha kalfadhiga 28aad ayaa muran xoogan ka abuuray golaha wakiilada,iyadoo xildhibaanada gobolada salal iyo Awdal ay ka muujiyeen saluug, isla markaana ay golaha ka maqnaayeen mudaooyinkii u dambeeyay.
Guddoomiye Ku Xigeenka golaha wakiilada Baashe Maxamed Faarax ayaa sheegay in ajandaha laga saaray xeerka lagu soo dooranayo mudanayaasha wakiilada, maadaama xildhibaanada gobolada galbeedku saluug ka muujiyeen saami qaybsiga kuraasta wakiilada.
Baashe Maxamed Faarax waxaa uu sheegay la soo sameyn doono xeer kale oo lagu doorto wakiilada oo aan lagu soo dooranayn xeerkii hore oo ku meel gaadh ahaa.
Guddoomiye Baashe oo arimahan ka hadlayana waxaa uu sheegay “Beryahan waxaa socotay xildhibaanada Awdal iyo Salal inay golaha ka maqnaayeen, sababta ay uga maqnaayeen ay ahayd xeerkii doorashada saami qaybsiga kuraasta wakiilada, Shirgudoonka iyo xildhibaanada shirarbaa u socday xeerkii waalaga saaray Ajandaha (Golaha).”Ayuu Yidhi Guddoomiye Ku Xigeenka 1aad ee Wakiilada Baashe Maxamed Faarax .
Baashe oo hadalkiisa sii wataa waxaa uu sheegay in la samaynayo xeer kale oo lagu soo dooranayo mudanayaasha aqalka wakiilada loona baahanyahay talo qaran si loo soo afjaro muranka saami qaybsiga kuraasta wakiilada.
“Guddi baa loo dhiibay waxaa la soo sameynayaa xeer kale oo doorashooyinka lagu galo, waxaa ugu adagi waa saami qaybsiga, saami qaybsigana golahani kama gaadhi karo talo, ee waxaa uu u baahanyahay talo qaran oo ka kooban Saddexda Gole”Ayuu Yidhi Baashe Maxamed Faarax.
Geesta Kale, Xildhibaanada kasoo jeeda Gobolada Awdal iyo Salal ayaa soo dhaweeyay Sida wanaagsan ee shrigudoonka goluhu uga hawgaleen xeerka muranku ka yaagnaa iyagoo sheegay in loo baahanyahay in lasmeeyo xeer ay ku qanacsanyihiin gobolada Somaliland oo dhami.
Xukuumada Somaliland ayaa iyaduna soo dhaweysay go’aanka shirgudoon wakiiladu kaga saareen golaha xeerkii muranka badani ka taagnaa.
Xeerka lagu soo dooranayo Mudanayaasha wakiilada Somaliland oo ku jiray ajandaha kalfadhiga 28aad ee golaha ayaa xiisad siyaasadeed ka abuuray guud ahaan gobolada dalka oo saluug ka muujiyay saami qaybsiga kuraasta wakiilada .