Xisbiyada Qaran ka waxay ahayd in bulshada Reer Somaliland u simnaadaan, waana waxa loo unkay, waxa kaloo loogu talo galay in qabyaaladda iyo kala qobqobnaanta bulshada wada dhalatay ee Somaliland isku soo jiidaan, darmana wada fadhiisiyaa.
Ujeedadaa iyadoo loo sameeyey Xisbiyada Qaran ka ayaa haddana waxa soo baxaya mid kamid ah waa Waddani ye in loo abuuray kala qobqob ka bulshada wada dhalatay ee Somaliland, wuxuu sitaa aydhiyaalijiyat dalkan khalkhal la gu galinayo, lagu hagar daaminayo, bulshada layskaga horgaynayo, kadibna sidaa koonfur fursad ugu hesho, lakin ma ogga in dalkan dhiig badan loo soo maray, dad badan in lagu waayey, in dad kaasi ilaashanayaan, maaha beel qudha waxa wax ilaashanayaa, waa bulshooyin ka Somaliland, ee ka nadiif ta ah nin jeclaysiga iyo qabyaaladda.
Sidaa owgeed:
Anaga oo ah Madax dhaqameed ka, aqoon yahan ka iyo dhalinyarta beelaha degta, togdheer, Saaxil, Maroodi jeex iyo Oogada Hargeisa ilaa itoobiya, waxaanu halkan cod dheer ku sheegaynaa Waddaniyow ma nihin dad aad u hanjabi karto, dad aad hadidi karto, waanu la soconaa waanuna ka wada war haynaa sida bulshada kalee nala dhalatay uga war hayso xafladdii aad ku qabsateen Landon, kuna tidhaahdeen xaafadda Goljano waxa ka soo toosa 14 kornayl iyo Janan waana in wax laga qabto.
Hadal kaas oo ahaa hanjabaad loo sii dirayo waxaanu leenahay war la’aan ayaa idin haysa ee taariikhdii hore dib u raaca, 14 kornayl iyo janan waxay ka mid yihiin Somaliland waana kuwa ka mid ah halyeeyada lagu seexdo, haddii hoggaan ka waddani Moosko looga yeedhay 1998 isaga oo Somali wayn ahaa xilna u hayey, kuwani waa kuwii nabadda aad ku seexato kuna caytamayso dhaliyey, waxaanan kuu sheegaynaa inaad iska hadashay, waxayna muujinaysaa:
- In dalkan duulimaad ku tahay
- In Somaliland aadan daacad u ahayn ee burbur u kuclaynayso
- In beesha aad weerarteen maahee kuwa kalana aydaan naf u hayn
- In qabyaaladdii xisbiga lagu sheegay banana ka soo dhigteen
- In dhaqaale koonfur uga soo qaadateen kala kaxaynta qaran kan
Waxaanu ku baaqaynaa:
- In beeshu shirar ka yeelato hantidaada aan wali raali galin laga bixin
- In loo yeedho xubnaha maqaar saar ka ah ee waddani ku biiray, lagana warsado arrintan soo koradhay
- In si midaysan arrintan loo waajaho, meel qudhana la ga wada eeggo
- In Waddani layskaga durkiyo ul dheer
- In beelaha kale ee Somaliland lala wadaaggo dibin daabyada Waddani horseed ka ka yahay
- In waddani dhan looga soo wada jeedsado
Wa billaahi towfiiq
Magacyada:
- Caaqil Cabdilahi xaaji faarax
- Chief Caaqil Warsame Muxumed Cabdilahi
- Chief Caaqil xaaji Dalmar Maxamed Xaamud
- Aqoon yahan Dr Cabdi Faarax Muxumed
- Proff Yasin Cali Dhagoole
- Eng Dacar Taani Faarax
- Aqoon yahan Maxamed Ismaciil
- Eng Ismaciil Cabdi Maxamed