Abwaan Laab-saalax Oo Markale Kooxda Haaneedka u Qabtay Iyo BK Oo Sanado Kadib Kooxdiisii Dib Ula Midoobay
Hargeysa:(Hubaal)-Kooxda fanka ee Xiddigaha Geeska, ayaa lagu sameeyey isku-shaandhayn ballaadhan, waxana la caydhiyey xubno kooxda magac weyn ku lahaa, halka qaar kale oo cusubna lagu soo daray.
Shir ballaadhan oo shalay kooxdu iskugu yimaadeen, ayaa lagu sheegay inay kooxdu mar kale guddoomiye u dooratay abwaan Xasan Dhuxul Laab-saalax oo muddo gaaban ka maqnaa xilkan, waxana sida la sheegay arrintaas codsaday gudoomiiyihii hore ee kooxda Md. Cabdiweli Ibraahim Furinle.
Ugu horrayn koodu waxa ay shaaca ka qaadday inay cadhiyeen afar fannaan oo kamid kamid ahaa foolaadkooda, kuwaas oo kala ah: Yurub Maxamed Cabdi (Geenyo), Nimcaan Cabdiramaan Xasan(Hillaac), Hodan Cabdiraxmaan iyo Yuusuf Hanad, kuwaas oo dhammaantood aan xilligan Somaliland ku sugnayn.
Sidoo kale waxa ay kooxdu ku dhawaaqday magacyada fannaaniin badidoodu cusub tahay oo ay kooxda kusoo dareen, kuwaas oo uu hormood yahay xiddigoodii hore Md. Maxamed BK oo ay hore kooxda uga caydhiyeen.
Magacyada xubnaha cusub ee kooxda lagu soo daray, ayaa waxa ay kala yihiin: Barwaaqo Qalanjo, Maxamed Siciid BK, Xuseen Kaafi, Axmed Aarshe, Asma, Ugbaad iyo Maxamed-maarshaal, waxana ay haatan wixii ka dambeeya si rasmi ah uga mid noqon doonaan kooxda xiddigaha Geeska.
Kooxda xiddigaha Geeska, ayaa kamid ah koox-faneedyada waqtigan casriga ah loogu jecel yahay dhulka ay ku nool yihiin dadka afka Soomaaliga ku hadlaa, waxana ay muddadii ay dhisnaayeen gaadheen guulo waaweyn oo loo nisbaynayo midnimadooda iyo isku duubnidooda.
Britain oo ku dhawaaqday lacag aan caadi aheyn oo ay ugu deeqday gurmadka abaaraha Somalia